Jah wareer ka taagan in ay raggu, kala gartaan Gabar iyo Garoob!

Bulsha:- 
Aqristayaal sida aan wada ognahay waxaa jira hab dhaqameed qoomiyad kasta ay leedahay, Soomaalidu waxa ay ka mid tahay Qabaa’ilada leh dhaqamada gaarka ah ee lagu garto, aqriste haddi aad aragto nin ama wiil xiran macawiis markiiba waxaa qalbigaaga ku soo dhacaya in u yahay Soomaali ama Carab.



Intaa kaddib, waxaan jecelnahay in aan qormadeenna ku qaadaa dhigno bal farqiga u dhaxeeya dumarkii hore iyo kan haatan jira.

Jah wareer ka taagan kala garashada ragga Gabar iyo Garoob!. Gees xir iyo Marwo!
Haweenkii hore waxa ay u badnaayeen oo ay ka sinnaayeen dhamaantood daacadnimo, xishood iyo qadarin, waxaana ku idlaaday sharaf dhamaanteed, waxa ay lahaayeen astaamo lagu kala garto gabadha la qabo iyo tan madaxa banaan ee aan la qabin, waxay aad ugu xishoon jireen in ay rag badan xiriir ay la sameeyaan ama ay shunkaansadaan, waxaana taasi ka sii darneyd sida ay uga weecan jireen oo ay u nebcaayeen furiinka .

BILCAG,SI
Waxa jira walaac ballaaran oo ku wajahan dumarka hadda jooga, sida la wada ogyahay haweenka waxa ay caadaysteen dhaqamo xun xun, haddii aan tusaalle u soo qaato qeybo ka mid ah dabeecadaha ay la nooliyhiin ee saaxiibka yihiin ayaa waxaa ka mid ah qoddobada soo socda:-
1- In ay gabadhu ku faanto furiinka.

2- Shukaansiga ama la socoshada ragga badan.

3- Raadinta lacagta.
4- Hamigooda oo daneysi kaliye ku xiran.
5- Ka bad-badinta beenta.
6- Xishood la’aan
7- Iyo qadarin xumo
Iyo sidoo kale wixii la halmaala ama la mid ah arrimahaasi.

U JEEDDADA QORAALKEENA RUNTU AH MAXAY TAHAY?
Anigoo dhinac u hiilineyn, waxaa soo ifbaxaya waayadan dambe in raggu ay kala garan waayaan gabadha tan la qabo iyo midda madax banana tan carmalka ah, maadaama daraysku isku mid yahay, daacad ay ku fogyiihin dabeecada iyo dhaqanka ay ka siman yihiin.
Maxamed Cabdullaahi Xasan, waxa uu ka mid yahay dhallinta ka timid waddamada reer galbeedka, islamarkaana hadafkiisu ahaa in uu nolol iyo qoys ka yagleello dalka kenya! waxaana soo food saartay Maxamed arrin la yaab leh, waxayna u dhacday sida tan.
kaddib markii uu la aqal galay gabar (inan) ay muddo wada socdeen, waxa uu ka codsaday oo uu sheegay marka hore in uu gabar bikra ah uu rabbo oo aanu rabin naag nin horey u soomartay, maadama aan la kala garanayn dumarkii.
Gabadhii ayaa iigu jawaatay buu yiri, Maxamed aboowe waxaan ahay gabar aan waligeed la guursan, waana iska aaminay buu yiri wiilkii Maxamed ahaa, walaahi aqal gal kaddib waxaa la gaaray runtii, waxaa meesha ka baxday gabarnnimo, (Alla go’ayi, ciil badnaa).
Jabkaas isagoo qaba iskana qarsaday oo Alle tala saartay ayaa hadana waxaa ku dhacay ka daroo dibi dhal, macnaheedu waxa ay tahay
qoftii falkaas gaysatay oo hadana ku qasbaysa in uu dibadda geeyo (Yaab), aqriste dhacdadaasi waxa ay ku dhacday wiil Soomaaliyeed.
(sir ma qabe Allaa u maqan).
TALO U JEEDIN
Dhammaan gabdhaha Soomaaliyeed waxaan jeclahay in ay ka waan toobaan waxyaabaha qaldan, waayo waxa aad u dulman raga, sababtoo ah, waxaa jira qoddobo badan oo dumarku ragga ku sameeyaan, waxaad ku xisaabtan taan in nin uu mar walba yahay marti, xitaa haddii uu yahay madaxweyne naag uun buu hoostagayaa.
Sidaaasi darteed dumaroow waa in aad iska ilaalisaan xad-gudubka raga (Rabbi ka cabso iyo rag iska riix meel ma wada gala).
Gunaanudkii qormada Dumarow balanteenu waa daacadnnimo iyo Taqwada Allaah (Subxaanahu wa tacaalaa).
By – Qalinkii wariye Ubax Daahir Cismaan
Waxii dhaliil iyo amaan ah ku soo hagaaji cinwaanka hoose.
Ubaxdahir2000@hotmail.com









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment