Jaceylka Cristiano Ronaldo oo jawaab kulul siisay hooyadiis Dolores dos Santos taasoo beenisay iney uur leedahay.

Bulsha:- Gabadha saaxiibka la ah weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa si aan caadi aheyn ugu jawaabtay hooyada dhashay xidigaan taasoo beenisay iney uur leedahay.

Georgina Rodriguez oo 22-jir ah ayaa soo galisay sawir ay ku sugan tahay mid ka mid ah isbitaalada Madrid iyadoo sii hurisay wararka xanta ah ee sheegayay iney uur u leedahay kabtanka Portugal.

Dhawaan ayey aheyd markii Cristiano Ronaldo uu malaayiinta ku xiran bartaiisa Instagram la wadaagay sawir ay gacantiisa saaran tahay caloosha Georgina Rodriguez taasoo loo fasirtay iney uur leedahay.

Georgina waxaa sawirka kala soo muuqday Dr. Rafik Dehni oo ka mid ah dhaqaatirita ugu caansan ee dadka ku sameeya qaliinka balaastiga ah – waana mid ka mid ah xirfadlayaasha ugu caansan caasimadda.

Dolores Santos oo ah hooyada dhashay ayaa horay u beenisay wararka sheegaya in wiilkeeda uur loo leeyahay iyadoo oraneysa: “Waa wax aan macno laheyn, kaliya gacantiisa ayaa caloosheeda saarnaa, Cristiano mar kale aabe ma noqonayo”

“Waxaan rajeynayaa inuu heysto caruur badan, wuxuu doonayaa inuu mar kale aabe noqdo, Ronaldo hadda wuxuu heystaa lacag, kor ayuu u qaadi karaa caruurtiisa sidoo kale”

Si kastaba Georgina Rodriguez sawirkaan waxey jawaab dadban uga dhigtay hooyada xidiga ay saaxiibka la tahay madaama aysan ku qanacsaneen xanta jirta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment