Jaceyl Maku hayaa Oo makugu adagtahay sidaa ugu sheegan lahayd qofka Jecleed (Wadadaan Mar ).

Bulsha:- Jaceylku waa dareen gudaha ah,mana dhinto, waxaa jiraan dad badan oo aan jecelnahay,laakin wey adag tahay inaad qirato jaceylkaas. Hadii aad xiiseyneyso inaad ogaato sidii aad ugu sheegan laheyd jaceylkaas raac talooyinkaan.

Inta aada qoftaas u sheegan dareenka aad u qabto waa inaad marka hore hubisaa in qofkaas laf ahaantiisu ku jecel yahay iyo in kal,Ha u qiran jaceyl qof ku jeclaan doonin weligiis.

Xusuusnaaw in jaceylkaagu uu yahay mid qiimo sare leh, marka hore iska hubi qofkaad u sheeganeyso xanuunka qalbigaaga inuu yahay mid kuu qalma,waayo qof aan laheyn dareemo kuma siin karo jawaab aad ku faraxdo,sidaas daraadeed waa inaad garwaaqsataa qiimaha jaceylkaaga,markaas kadib waad u sheegi kartaa.

Hamiga.

Hamiga doorweyn ayuu ka cayaaraa inuu garabkaasiiyo kalsooni aad ku hor istaagto qofka aad jeceshahay,waayo cabsida iyo xishoodka in dalabkaaga fashilmo ayaana sabab u ah arintaas.

Ha ugu sheegin dareenka caashaqaaga meelkasta.hamigaagu waa inuu noqdaa mid aad u wanaagsan, waayo daqiiqadahaas noloshaadu waxey yeelaneysaa weji cusub.sidaa darteed hubi inaad doorato goob ku haboon inaad kula kulanto,waxey arintaas kaa caawineysaa in si degan oo fudud aad ugu sheegto jaceylkaaga.

U sheeg inaad rabto inaad kala hadasho arin muhiim ah,sidaasdarteedna aad u dooneyso inaad ula kulanto,waxaana qofku ku fekeraayaa fikrad ah in wax qaas ah ay dhici doonaan.
Diyaargarow.

Mustaqbalka wixii dhici raba marwalbo lama saadaalin karo. Mana ogid najiida qirashada jecylkaaga,laakin waa inaad ogaataa marka aad labadiina aad kulan leedihiin,ma awoodid inaad gadaal fiirisid,horey u soco hana baqan u sheeg marxalada aad ku sugan tahay. Natiijadu waxey noqon karaa guul ama guuldaro,laakin marwalbo noqo mid qeyrka rajeeya.

Dooro maalin ku haboon.
Maalmaha mashquulka ee shaqada ama waxbarashada loo kala cararaaya dadku badanaa waa kuwa daal iyo madax xanuun qabo,adigoo dhinacaasi eegaayaa waa inaad doorataa maalin ku haboon qorshaha aad damacsan tahay inaad u gudbiso qofka maskaxdaada mashquuliyey ee hurdada iyo soo jeedkaba kuu diiday, isku day inaad hesho maalin gaar kuu ah,kuna talo in laga yaabee nasiibku kuu hiiliyo.

Dooro habab kala duwan.
Go’áansatay inaad inaad ka hor qirato jaceylka aad u qabto waxaa kuu wanaagsan inaad doorato habab kala duwan oo aad ugu soo bandhigto sida inaad geeraaro jaceyl ah u qorto,hadiyo caddeyn u ah jaceylkaaga ama kulan qaas ah la yeelo hadii aad tahay qof dhiiran,hababkaan waxey abuuri karaan maalmo la xusuusto iney labadiina idiin noqdaan,waana muhiim inaad qofka aad jeceshahay aad si wanaagsan u taqaano. Marka aad qofkaas si fiican u taqaano waxaa kuu fuduaanaayo qorshahaga oo idil.

Ula hadal si cad
Hadii aad diyaar u tahay inaad u sheegato jaceylkaaga ula hadal si cad,waxba haka baqin,hana qalqalin. Ula hadal sida adigoo caadi iska dhigaaya,waa hubaal inaad shaki la’aan ku guuleysaneysid dagaalka nolosha.

Ka hor inta aadan ku dhaqaaqin inaad wajahdo xaqiiqda marka hor noqo qof isku kalsoon oo huba go’aanada uu qaatay,Noqo qof faraxsan waayo hadii aad adigoo murugeysan qofka aad hortagto waxaa laga yaabaa inuu murugada wejigaaga saaran ka dido. Aamin naftaada inta aadan qof kale ku fekerin inuu ku caawiyo,hana ka baqin marxalada ku hortaala.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment