Is Jir : Ma Og Tahay In Hal Fariin Oo Aad Ka Dirto Baraha Bulshada Ay Kugu Qasbi Karto In Aad Cassuumaad Casho U Sameyso Boqolaal Qof Oo Aadan Wacanin

Bulsha:- Arin la yaab leh ,wiil Somaliyeed oo ku nool magaalada Oslo ee Norway ayaa arin la yaab leh waxa ay ka qabsatay ciwaankiisa WhatsApp ka dib farriin uu u waday qof saaxibkiisa ah ay si qaldan ugu dhacday qol ama Group ay ku jireen ehelkiisa iyo asxaab aad ugu dhaw

Wiilkan Somaliyeed oo naga codsaday in aan soo daabicin magaciisa ayaa doonayay in uu farriin u diro mid ka mid ah asxaabtiisa oo uu ugu yeerayay in ay wada casheeyan una yimaado xaafadiisa waxa ayna fariinta u qorneyd sida tan

” Salaan , sare cashada waa xageeyga iyo habeen dambe ,kullan wacan” balse waxa ay si qaldan fariintaas uu ugu diray Group-kii ay ku jireen ehelkiisa ugu dhaw oo ay horay qolkaas isaga war qaadan jireen

Waxa uu wiilkaas bulsha.com u sheegay in uu ka war helay tobanaan jawabood oo looga ogalaanayo casuumadaas balse wiilkaan Somalyeed ayaan is fashlin waxa uuna diyaariyay casho casumaad ah oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan dadkii fariintaas ay gaartay

Wilkaan Somaliyed waxa uu intaas raaciyay in ka dib cashadaas in asxaabtii ka soo qeyb gashay uu ku war giliyay sida wax u dhaceen .










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment