Hrithik Roshan Oo Doonayo Atirishada Filimka Wonder Woman Jileyso In Filimkiisa Krrish 4 Lagu Soo Daro

Bulsha:- Hollywood Super Hero Hrithik iyo aabihiis Rakesh Roshan waxay sanadkaan qaybihiisa dambe si rasmi ah u bilaabi doonaan duubista mashruucad weyn Krrish 4.

Waxaa la sheegay in Hrithik Roshan in badan qaybta 4-aad ee taxanaha ku lug lahaan doono dejinta doorarka filimkaan iyo habka sheekada isugu daba dhaceyso.

Sidaa darteed Hrithik Roshan ayaa dhawaan daawaday goos gooska filimka Wonder Woman wuxuuna siweyn kaga helay doorka atirishada filimkaan hogaamineyso ee lagu magacaabo Gal Gadot.

Hrithik Roshan ayaa aabihiis Rakesh Roshan kala hadlay in la qoro door xiiso badan oo ku aadan sida Gal Gadot Krrish 4 wax kaga jili laheyd wuxuuna Hrithik rabaa inay xidigtaan garabkiisa istaagto kana mid noqoto Super Hero dunida isaga wax kala bad baadineyso.
Filimka Krrish 4 wuxuu noqon doonaa mid ka casrisan qaybihii hore sida reer Roshan ay balan qaadeen waxayna rabaan markaan inay Hollywood-ka la tartamaan waana sababta ay u xiiseenayaan atirishada Gal Gadot inay filimkooda door muhiim ah ka siiyaan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Wonder Woman oo ay hogaamiye ka tahay Gal Gadot lana daawan doono 2 June 2017:











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment