Haweeney hal million oo dollar siineysa ninki guursada, balse waa inuu..

Bulsha:- Haweeneey Maalqabeen ah oo u dhalatay wadanka sacuudi Carabiya ayaa Balan qaaday in Ninkii guursadaa ay siin doonto Milyan iyo Sadaxboqol iyo Sodon kun oo Doolar.

Majalada (SAYIDATII ) ee Sacuudiga ayaa Barteeda internetka ku daabacday in haweeneydaan malqabeenka ah ay ninkii Guursadaa Abaal marin ahaan u siin doonto Lacagtaasi faraha BAdan ee Gaaraysa Milyanka iyo 330 kun ee doolar.

Haweynaydaan oo aanana Magaceeda laxusin ayaa siinaysa caruuskeeda ka soo gudbaa shuruudaheeda oo ay ugu wayntahay in uu Gurigeda Gaarka ah ku guursadaa, shuruudahana waxaa ay hor dhigi doontaa cidii soo doonata.

Maalqabeenadaan oo 33 jir ah ayaa dagan Magaalada Jidah ee Bokhortooyada Sacuudiga, waxaana ay dalbadatay in ninkii danaynaya in uu Facebook-geda kala soo xiriiro Una soo diraa dhamaan xogtiisa asaga oo soo raacinaya taleefankiisa gacanta si ay ula xariirto.

Majalada ayaa soo xigatay in haweeneydaan ay usheegtay in Guur ay soo martay sadax sano ka hor , sababata ay ukala tageena uu ahaa in ninkaasi uu damcay xoolaheeda, balse xiligaan aysan wax dan ah ka laheen hadii uu rabo lacagteeda iyo in kale.






Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment