Haweeney Garoob ah oo Sir Layaab leh Siineysa Dumarka Aan Wali La Guursan Ama Gabdhaha Ku Cusub Guurka

Bulsha:- Markaan guursanayey waxan isweeydiinayey Su’aalahaan soo socda:

Muxuu ninkaygu iga rabaa?. Maxaan sameeyaa si uu iiga raalli noqdo?. Ma wuxu doonayaa inan ahay qof diinta taqaan oo ku dhaqanta, mise inaan u lebbisto sida gabdhaha gaabsiga loogu tago?.

Ma wuxuu doonayaa inaan lebbisto dhar jirkeyga inta ka bannaani ka badantahay inta ka daboolan, mise wuxu rabaa inaan qaato Jilbaab iyo Niqaab?.

Ma wuxu doonayaa inaan ahaado qof furfuran oo dadka dhex gasha, mise qof xirxiran oo isaga uun meel ugu xiran?. Ma wuxu doonayaa inaan ahay gabar la koolkooliyey, horteeda loo daayey bad shirtaana aanay jirin, mise inaan ahay qof waayeel ah, deggan, sida hooyadiis u caqli badan?.

Muddo markii la’iqabay waxaan billaabay inaan isweydiiyo su’aalo kuwii hore ka duwan:

Muxuu ninkeygu isaga kay indhatiraa, dumar kalena u dhugtaa laga yaabo inaan anigu wax badan qurux dhaamo?.

Muxuu u kari la’yahay inuu ila fariisto ama meelna ii raaco?. Muxuu waxaan sameeyo wax uga sheegaa, isagoon isaguba naftiisa la xisaabtameyn tiisuna mar waliba la qumantahay?.


Kolkaan caadada ka dhaqdo oo uu dhowr habeen ila baashaalo, muxuu iiga xiisa dhacaa?. Inkastoon cuntada ugu fiican u kariyo, guriga nadaafaddiisa ku dadaalo, dharka si yaab leh ugu dhaqo, haddana iima soo jeedo oo wuu igasii jeedaaye maxaa dhacay?

Su’aalihii aan isweydiinayey , kolkaan guursanayey iyo kedib markaan guri degey, jawaabohoodii waxan ogaaday kedib markaan gurigeeygii gacantayda ku dumiyey oo lay furay. Haddaba waa inay dumarka walaalahay ahi tijaabadayda ka faa’iideystaan intay goori goor tahay, intii ay hadhow tooda ka sheekayn lahaayeen sideyda oo kale.

Waxan ogaaday in ninku kolka uu xaaskiisa la joogo yahay carruur cagaweyn, uuna jecelyahay inay dumar oo dhan keligeed isku wada tahay. Wuxu jecelyahay:

Inay hooyadiis uga egtahay xagga degganaanta, caqliga iyo diinta, sideeda oo kalena ay u koolkooliso oo wuxuu doono ugu yeesho.

Inay saaxiibtiis ahaato uu dantiisa, duruuftiisa iyo waxyaabo kale oo uusan qof kale oo bina’aadama u sheegan kareyn ayada u sheegto.

Inay u ahaato adeegto dhega xiran oo iyadoo aamusan siduu doono ugu adeegta.

-Inay u ahaato qof caqli iyo xikmad badan kolka la yiraahdo hala hadlo, wax kasta oo laga hadlayana si cilmiyeeysan aragtideeda uga dhiibata.

-Inay u ahaato sida dumarka weriyeyaasha ah, kuwa dharka xayeysiiya iyo kuwa aflaanta jila ee aynu maalin kasta Taleefishanka ku aragno, micnaha inay tahay naag qurux badan, lebbis qurxoon, lana socota moodada dharka wixii maalin kasta cusub.

-Inay u ahaato sida naagaha jirkooda iibiya oo si layaab leh jirkooda u kala dhigdhiga, badeecadoodana usoo bandhiga, si ay macmiishooda usoo jiitaan.

haweeneydu ayadoo kaashanaysa dumarnimadeeda waa inay garan kartaa goortuu sidaa inay ahaato ka rabo iyo goortuu sida kale doonayo.Waa inaanay jilbaab usoo xiran habeen uu kululyahay oo uu galmo diyaar u yahay, waase inay usoo xirataa dhar khafiif ah oo layska dhex arkayo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment