Halkee Ka Baxeen Deepika Padukone & Katrina Kaif Marba Hadii Alia Bhatt Loo Dooran Rabo SRK Filimkiisa Cilinka Inay La Jisho

Bulsha:-  Dhamaadkii sanadka hore ilaa haatan waxaa la hadal haayay atirishooyinka Deepika Padukone & Katrina Kaif inay SRK la sameyn doonaan filimkiisa xiga ee uu cilinka ama ninka gaaban ku jilaayo.

Balse midaas ma dhicin waxaana haatan la sheegay in Director Anand L. Rai uu heshiis la gaaray xidigta cirka ku socoto ee dhalinta yar Alia Bhatt si ay SRK filimkaan jaceyl ula matasho.

Deepika waxaa la sheegay inay haatan ku mashquulsan tahay duubista filimka Padmavati oo ay isla jilayaan Shahid Kapoor iyo Ranveer Singh waxaana Director ka ah Sanjay Leela Bhanali ayadoo filimkaan la daawan doono 17 November 2017.

Sidoo kale Katrina Kaif iyadana waxay haatan duubeysaa filimka Tiger Zinda Hai oo ay Salman Khan la jileyso waxaana Director ka ah Ali Abbas Zafar waxaana filimkaan la daawan doonaa 22 December 2017.
Sidaa darteed SRK iyo Director Anand L. Rai inuu waqti dheeri ah ka lumo ma doonayaan waxayna la kulmeen Alia Bhatt si atirisho kowaad looga dhigo sidoo kalena atirisho kale ayaa lagu soo dari doonaa madaama sheekadan filimkaan labo atirisho u baahan tahay.

Qorshaha wuxuu yahay in filimkaan aan magaca loo bixinin duubistiisa bilaabato todobaadyada nagu soo fool leh waxaana la qorsheeyay 21 December 2018 la daawado.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment