Hadaadan Sidan ugu Raaxayn Karin Agteeda Haimaan ee iska seexo xabad kale ayay helaysaa

Bulsha:- Waxa laga yaabaa in rag
badani kolka ay
biyabbaxaan, u qaataan
in hawshii galmadu ay
dhammaatay, dabeetana
intay dhinaca kale u
jeestaan khuuro
billaabaan, iyaga oon
dheg jalaq u siin
dhibaatooyinka uu
falkoodaasi u geysanayo
haweeneyda.
Hadduu ninku xaaskiisa u
tago isagoon
rabitaankeeda si
wanaagsan u kicin ama
isla markuu ka rito
dhabarka u jeediyo, dhibaato xoog leh ayaa ka dhalata, natiijadii la filayey
mid kadhan ah baana ka timaada, taasi oo ah inuu isagu biyabbaxo oo
barbar u dhaco ayadoon kacsiba billaabin ama uu ku bargo’o ayadoon
biyabbixin, sidaasina niyaddeeda iyo nafsaddeedu u dhaawacmaan. Bal
eega Aayadda Qur’aanka ah:
(Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale).
Culimada Qur’aanka fasirta qaar baa Aayaddaasi ku macneeyey: (Ugu
raaxeeya haweenkiinna sida aad adinkuba jeceshihiin inay idiinku
raaxeeyaan).
Haddaba waxa loo baahan yahay inay biyabbaxa ka dambayso hawl kale
oo gunaanad ah, taasi oo ah ugu yaraan salaaxid, iyo istiimin fudud. Waxa
loo baahan yahay inuusan ninku ka dul kicin xaaskiisa isla marka uu
biyabbaxo, balse uu sugo ilaa iyadu iga kac ka tiraahdo.
Rag badan baa aaminsan in geedkoodu mar hadduu biyaha tuuro balaqna
noqdo, aanu wax faa’iida ah u lahayn haweeneyda, kusii hayntiisuna aanay
wax micne ah samaynaynin, isagoo mid kamid ah raggaasi uu ku doodo:
(Oo maxay ku falaysaa geed balaq ah?), xaqiiqduse taa ka fog.
Raaxada dumarka iyo biyabbaxoodu kuma koobna oo qura rabitaanka
cambarkooda, balse waxa ay ku raaxaystaan isku nabnaanta jirka iyo
isdhexgalka iyaga iyo raggooda. Waxa weliba taa kasii ahmiyad badan
dareenkooda jacayl iyo dhab ugu jirka raggooda oo ku dhaliya raaxo
maskaxeed iyo mid rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo biyabbax.
Haddaba geedka oo intuu biyaha tuuro dabeeto damaa haweeneyda ugama
dhigna inay galmadii dhammaatay, balse waa inuu kusii dhexjiraa gudaha
cambarka siduu doono ha ahaadee intuu doonana halla ekaado eh, waana
in haasaawihii, shumisinta iyo istiimintii halkii kasii socdaan ilaa ay
biyabbax ka gaarayso, kolkaasi oo intay si xoog leh isugu nabto,
jirkeedu wada gariiro, daqiiqado dabeetana kala daadato, cambarkuna
geedka dibadda isaga soo saaro, kolka oonku si fiican u daayana iga deg
ku tiraahdo.

Ulajeeddada kale ee laga
leeyahay isku sii
dhexjirku waxa waaye
iyada oo haweenka aanu
kacsigu hal mar ka go’in,
balse uu si tartiib tartiib
ah uga soo jabo oo uga
baaba’o.
Haddaba salaaxista,
shumiska, istiiminta
fudud, iyo ereyada
macaan ee jacaylka iyo
ammaanta isugu jira ee
ninku ugu deeqo ooridiisu
waxay si tartiib­tartiib ah
uga soo dejiyaan buurtii
uu saaray kacsigii ka
dhashay hawshii
dhammaatay, ilaa ay ku
soo noqoto xaaladdii
caadiga ahayd.
Dhuuqmadii iyo istiinkii
xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu rogayaan kuwo fudud oo
saxansaxo leh aanna gaarsiisnayn heer ay mar kale kacsan karto.
Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa waxa uu isu beddelayaa is­habsiin jilicsan
oo keenta inay haweeneydu dareento in ninkeedu yahay gabbaadin aamin
ah oo ay dhaxanta iyo dhibaatada ka gasho. Halkaasi kolkay arrini
marayso ayay madaxeeda shafka ama garabka ka saarataa, jiif iyo
nasashana ku gunaanaddaa hawshii cuslayd ee ay qabatay intii shaqada
galmada lagu jiray.
Waxa laga yaabaa in hawshii dhammaatay ay reebtay xoogaa tamar darri
iyo daal ah, waase kuwo raaxo u leh labada qof, iyagoo xubnaha jirkoodu
ay u kala daadanayaan si gamaanyo (lulo) ku jirto. Daqiiqadaha ugu
raaxada badan laba isqaba waa kolka ay nasasho iskula dul dhacaan
hawsha galmada dabadeed, qof walibana isaga oo hurdaysan uu kan kale
bogga kaga jiro lugahana ay is dhaafsanyihiin .
Dhallinyarada qaar baa isku daya inay biyabbaxa kadib geedka kusii
hayaan haweenkooda oo aanay kala bixin, billaabana istiimin si ay mar
kale uga tuurtaan. Qaar kale kolka ay kala baxaan bay misna daqiiqado
kadib istiimin iyo dhuuqmo billaabaan si ay u gaaraan isla hadafkaasi.
Haddaba caafimaadku waxa uu ku jiraa, diinteenna Islaamkuna qabtaa in
galmada hore kadib geedka ninka biyo kulul lagu mayro, welibana hadday
suurtagal tahay la qubaysto ama ugu yaraan la weyseysto, si firfircoonaan
iyo looga helo dardar hor leh, markaa kadibna haddii la isku afgarto
garoonka la iskula laabto. Waase in biyabbaxa labaadna lagu soo af­jaraa
isla gunaanadkii aynu soo sheegnay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment