Hab Sahal Ah Oo Jaceylka Gacaliyaahada Aad Ku Kasban Karto Ee Gabaryaheey Raac Talooyinkaan

Bulsha:- Waa suura gal in aad ka baqeyso jaceylka balse waxaad ogaataa in aysan sahal aheyn in la helo nolol dareen leh.

Hadaba alcarabiya.com ayaa ku siineysa talooyin gaaban si aad u hesho nolol dareen leh oo aad u wacan .

1- Noloshaada Jecloow: waa mid ka mid ah wadooyinka aad ku heli karto jaceyl waara, jecloow noloshooda, aan si kale kugu dhigo waxaa qasab kugu ah in aad aaminto in aad mudan tahay in aad ahaato shaqsiga dunida ugu fiican.

2- Dhageyso Oo Baro Jaceylka: qof waliba fikir gaar ah ayuu ka qabaa qofka aan u aragno in aan jecelnahay balse waxaa kuula gudboon in aad dhageysato qisooyinka dad kale si aad wax uga barato una fahanto sid aad u dhaqmeyso si aadan qalad uga galin qofka aad jeceshahay.

3- Dulqaadka Waa Furaha Guusha Jaceylka: gabaryaheey waxaa mar waliba kuula gudboon in aad ku sabarto jaceylka, waayo sabarkaas qalbiga ninka ayuu toos kuu geynayaa bilaa dhib.

4- Saaxibtinimada Ayaa Biloow Ah: si xariirka labadiina u ahaado mid guuleysata waa in aad ahaatiin saaxibo.

5- Noqo Qof Wax Curisa: ninka aad ayuu ugu farxayaa marka aad wax curineyso kuna kordhineyso noloshiina qoyska.

6- Noqo Mar Waliba Qof Qurxoon: in aad qurux kula hor muuqato odayga Alcarabiya.com waxa ay ku leedahay waxaad ku heleysaa jaceylkiisa iyo tix gilintiisa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment