Gabar Soomaali ah Oo ka sheekaysay Nin Daroogeen lahaa Oo isaga is daroogeeyay ! (Dhacdo Cajiib ah)

Bulsha:- Dunida aan ku noolnahay maalinba wax ayaad la kulantaa waxayna Somali ku maahmaahdaa Cimrigaaga oo raago geel dhalayane wuu ku tusaa.

Hadaba halkaan waxaan idiin kugu soo bandhigayaa qiso aad u xanuun badan oo ku dhacday gabar somali ah oo ku nool wadanka canada gabadhaan oo aan magaceeda iyo muuqeeda aanan shaacineyn sababo la xiriira xushmaeynta magaceeda iyo muuqeeda eyada oo dalbatay inaan la shaacin muuqqeeda iyo magaceeda. Gabadhaan ayaa waxa ay la kulantay nin madow ah oo u dhashay wadanka Hiati eyada oo sida ay sheegtay ay yeesheen xiriir ay aad uga digtooneyd oo aysan isku fiicneyn eyada iyo raga ajaanibta ah waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Gabadhaan ayaa iigu warantay sidatan:
Walaal waxaan ku noolahay wadanka canada waxaan wax ka bartaa jaamacad ku taala magalada toronto maalin maalmaha ka mid ah ayaan kulanay nin madow ah oo u dhashay wadanka Hiati ninkaan ayaa aad u labisnaa oo u ekaa qof ganacsi ama howlo wanaagsan hayay eyada oo aan isku baranay bus dhexdiisa waxaan dhowr jeer ka shekeysan jirnay qadka telfoonka waxa uu ninkaan uu ii sheegi jiray inuu yahay nin u shaqeya shirkad ganacsi waxa uuna ii sheegtay jaceyl isaga oo iga dalbaday inaan siiyo jaanis oo aan diidin midabkiisa ama meesha uu kasoo jeedo diintane uu qaadan doono balse aan u ogolaado fursad uu ku hanto qalbigeyga waxaan dhowr jeer ka diiday inaan kulano waxaan inta badan ka shekeysan jirnay telfoonka runti aad baan ula dhacay hadalada ninkaan waxaana u qaaday jaceyl inkastoo aan wali qabay taxadir waxaan aalaaba isku taxalujin jiray inaan wax ka ogaado noloshiisa waxaana mbilownay inaan kulano oo aan isugu imaano xaafadiisa ama teyda runti ma aysan na dhex marin wax kabadan sheeko iyo iska warqab waxaan dareemay inuu rabo inaan sameyno galmo isaga oo dhowr jeer si reer magaalnimo leh ii tijaabin jiray waana ka diidi jiray habeen habeenada ka mid ah ayuu yimi xaafadeyda waxaa na dhex martay sheeko dheer waxa uu bilaabay inuu ii adeego alaabada ii soo dhoweyo cabitaano ii keeno runti shaki iguma jirin waxa uu ii keenay glaas cabitaan ah waxaana dareemay inaan isaga siiyo keyga kiisane aan aniga cabo waxa uu la yimi glaas cabitaan ku jiro midna aniga ayuu ii keenay waxaan u diray alaab aan rabin si aan u helo fursad aan cabitaankeyga ugu badalo waan u badalay waan u shekeyay waxa uu cabay cabitaankeygi balse daqiiqado kadib waxa uu bilaabay inuu u dhaqmo si aan horay ugu arag oo uu dharka tuuro qeyliyo waxaan go aan ku gaaray inaan u diro xaafadiisa balse inti uu dhacdhacayay ayaan jeebkiisa ku arkay daraagis sida budooyin cad cad iyo kaniiniyaal waxaan aad ula yaabay arintaan waxaan dareemay inaan qatar ku jiro waxaana durba u yeeray policeka nasiib wanaag daqiiqado ayay ku yimaadeen waxay gacanta ku dhigeen ninki eyaga oo soo saaray daroogooyin badan oo ku jiray boorsadiisa waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ka badbaaday arimo badan daroogada la igu duri rabay oo laga yaabo inaan waligey asiga u noqon lahaa adoon oo kale ama aan u go I lahaa waxaan sidoo kale ku faraxsanahay policeka oo ii arkin qof daroogo ama wax xun sameysay oo aan la ixirin taas ii noqon laheyd sharaf dhac in aniga oo la joogo lugu qabto daroogo.

Runti sida ninkaan hadalada macaan iyo qaabka uu u labisan jiray una dhaqmi jiray iyo ujeedkiisa runti waa arin xanuun badan waxaa mahad iska leh alaha iga bad baadiyay dabinka uu idhigayay ilaa iyo hada maskaxdeyda waa ay geli la dahay sida foosha xun uu ila rabay balse ilaah ayaa wax walbo iga bad baadiyay.

Waalidkey ma oga asxaabteyda inyar ayaan uga sheekeyay waa ay la yaabeen iminka nolosheyda waa caadi balse waxaan qabaa taxadir badan waana ka bartay qaladkeyga ahaa inaan nin aan muslim aheyn xiriir la yeesho waxaan aad ugu digi lahaa hablaha somaliyed inay ka fogaadaan dhagar qabayaasha jecel inay la tuntaan oo kaliya oo xushmad iyo qadarin bini aadanimo aanan u heyn hala dhicin qaabkooda qurxan iyo jirkooda ama dharkooda yeysan ku indha tirin
eraydooda macaan waa iga talo waa ka shalaayay aniga.

Ayay ku gaba gabeyday hadalkeeda gabadhaan ayaan inti aan la hadlayay ilmeyneysay eyada oo aad ugu adkeyd inay hadasho xiliyada qaar.

Waxayna sidoo kale weydiisatay talo iyo tusaale in la soo siiyo si ay
nolosheda si caadi ah ugu soo laabato.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment