Gabadha Ugu Dibka Shidan Dunida (Miss Bum Bum) Oo Markale Laga Qabtay Sawir Uusan Ka Jeesan Karin Lionel Messi

Bulsha:- Gabadha caanka ah ee reer Brazil ee lagu magacaabo Suzy Cortez taasoo hore usoo noqotay Miss Bum Bum ama gabadha ugu dibka shidan dalkeeda Brazil ayaa waxay baraha bulshada soo dhigtay sawir kale oo muran dhaliyey oo ay ku muujineyso sida ay taageere weyn ugu tahay xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi.

Ujeedka Suzy Cortez wuxuu yahay inay markasta baraha bulshada ku muujiso sida ay taageere weyn ugu tahay Lionel Messi, waxaana xusid mudan inay dhowr jeer daaha ka qaaday inay ku riyooto inay galmo la sameyso weeraryahanka Barcelona.


Gabadha saaxiibka uu la yahay Messi ee lagu magacaabo Antonella Roccuzzo taasoo laba wiil u heysa kabtanka xulka Argentina ayaana muujisay sida aysan ugu faraxsaneyn qaabka ay Suzy Cortez u dhigtay taageeradeeda ku aadan La Pulga.


Messi ayaa hadiyad ahaan uga helay sawirkaan gabadha ugu dibka shidan adduunka

Mareegeyaasha ugu waa weyn ee ay bulshadu ku kulmaan sida Facebook, Twitter iyo Instagram ayaana gabadhaan ka xiray inay hadalladeeda ku xusto Messi oo uu hadalkaasi ugu dhaco akoonnadiisa baraha bulshada.


Arrintaan waxaa ka dambeeyey Antonella Roccuzzo oo ay nolosha wadaagaan Messi. Balse sawirradii ugu dambeeyey ee ay Suzy Cortez soo dhigtay akoonkeeda Instagram waxay muujinayan in aysan jirin cid gabadha reer Brazil qalbigeeda ka tiri karta jaceylka ay u qabto Messi.
Sawirradaani waxay ahaayeen kuwo ay Suzy ugu dabaaldegeyesay guushii ay kooxda Barcelona ka gaartay kooxda Real Sociedad kulankii sideed dhammaadka tartanka Copa del Rey e ka dhacay Anoeta Stadium, iyadoo Neymar uu dhaliyey goolka guusha oo rigoore ahaa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment