Farmaajo oo Midowga Africa hordhigay Qodobo Lama Filaan ah ku Noqday ?

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tallaabo weyn u qaaday sidii ay Soomaaliya uga heli laheyd midowga Africa doorkii ay ku laheyd .

Madaxweynaha ayaa booqaday Xarunta Midowga Africa ee Magaalada Adis Ababa intii uu sugnaa Itoobiya, waxayna aheyd booqasho lasii qorsheeyey.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa madaxwyenaha halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey, waxayna wax iska waydiiyeen xaaladda Soomaalia iyo doorka ay Midowga Africa ku leeyiihiin Soomaaliya.

Markaas kadib madaxweyne Farmajo ayaa midowga Africa hordhigay laba qodob oo muhiim taasoo lagu tilmaamay inay Soomaaliya guul weyn u tahay:

Inay Midowga Africa ay Soomaaliya u ogolaadaan doorkii ay ku laheyd Africa.

Inay Soomaaliya shaqaalo iyo Mas’uuliyiin ku yeelato Midowga Africa.

Labadaan arrin ee uu Farmaajo usoo bandhigay Midowga Africa ayaa wax kadis ah ku noqotay mana aysan fileyn inuu qodobadaan la imaan doono.
Lama ogo go’aanka ay Midowga Africa arrintaan ka qaadan doonaan, balse madaxweynaha wuxuu ku dadaalayaa sidii Soomaaliya door muhiim ah ugu yeelan laheyd midowga Africa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment