Dunidu sidee aheyd markii ugu dambeysay ee Tottenham ku dhammeysatay kaalin ka sarreysa Arsenal?

Bulsha:- Tottenham Hotspurs ayaa xaqiijisay inay ku dhammeysan doonto kaalin ka sarreysa kooxda Arsenal xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017 horyaalka England Premier League.

Sidaas darteed, shabakadda Gool.Net ayaa soo qaadan doonta seddax waxyaabood oo la yaab leh oo isbedel tan iyo markii ugu dambeysay ee ay Spurs ku dhammeysatay Gunners xilli ciyaareedkii 1994 illaa 1995.

Ugu horreyn, tababaraha haatan ee kooxda Arsenal Arsene Wenger wuxuu markaas macalin ka ahaa horyaalka Japan League ee dalka Japan.

Kooxda Ajax ayaa ku guuleysatay koobka UEFA Champions League. Waxaana arrin aad u weyn oo dhacday mudadaas oo laga joogo 22 sanno.

Lionel Messi oo haatan ah mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan kubadda cagta, dhawaan dhaliyey goolkiisii 502aad ee Barcelona wuxuu waqtigaas ahaa keliya 7 sanno jir.
Mala yaabtay xaqiiqooyinkaan? – Adna maxaad xusuusataa oo dhacay… Aniga ahaan Soomaaliya waxaa xilligaas madaxweyne ka ahaa Cali Mahdi Maxamed.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment