Dhanush Iyo Kajol Filimkooda VIP 2 Oo Shaaca Laga Qaaday Xiliga La Daawan Doono

Bulsha:- Sanadkaan shirkadaha koonfur hindiya waxaa u diyaarsan filimaan xiiso oo ka mid ah filimka VIP 2 (Velaiilla Pattadhari) oo hogaamiye ka yihiin Super Star Dhanush Iyo Queen Kajol.

Kajol ayaa 19 sano ka dib kusoo laabatatay shrikada koonfur hindiya iyadoo sameyn doonta filimka VIP 2 oo ah qeybta labaad filimka Velaiilla Pattadhari oo Hit-ka weyn noqday sanadkii 2014.

Dhanush ayaa dib u amba qaadi doona doorkiisa Raghuvaran oo qeybta koowaad aad loogu amaanay waxaana maanta shaaca laga qaaday in filimkaan la daawan doono 28 July oo ku beegan dhalashada Super Star Dhanush.

Kajol ayaana ka hadashay ka shaqeynta koonfur hindiya maadaama ugu danbeysay 19 sano ka hor”  ugu horeyn waan cabsaday waxaana cabsi ka qaday doorkeyga sida aan u sameyn doono laakiin kooxda filimkaan ayaa si weyn ila shaqeeyay aad ayaana ula dhacay shaqada Dhanush iyo Soundarya, waxaana mar kale aad ugu riyqaaya shaqada shaqada koonfur hindiya”.
Dhinaca kale Dhanush wuxuu muuqal marti ah ku lahaa filimka Power Paandi oo asiga director ka ahaa mar dhowna wuxuu bilaabi doona duubista filimka Rajinikanth uu director-ka ka yahay Pa Ranjith oo Dhanush maal gilinaayo sido kale filimkaan muuqaal marti ah ayuu ku yeelan doona.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment