DARDAARANKA HOOYADA HABEENKA AQALGALKA

Bulsha:- Hooyo. 1: (Gabadheydiiyeey, waxaad ka baxday guri aad baratay una baxday gogol iyo nin aanad garanayn. U noqo dhul, samo hakuu noqdee. U noqo dhab, udub dhaxaad ha kuu noqdee. U noqo jaariyad, addoon ha kuu noqdee. Ha isku nabin yaanu ku nicine, hana ka fogaan yaanu ku hilmaamine. Hadduu kuusoo dhowaado u dhowow, hadduuse kaa meero ka fogow. Ilaali sankiisa, dhegihiisa iyo indhihiisa. Yaanu kaa urin udug mooyee, yaanu kaa maqal hadal mac mooyee, yaanunna kaa dhugan dhalaal iyo qurux mooyee).

Hooyo. 2: (Gabadheydiiyeey, waxaad ku socotaa nolol cusub… Nolol aanu boos uga bannaaneyn hooyadaa, aabbahaa, iyo walaalahaa toona. Waxaad noqoneysaa xaas uu qabo nin aan dooneyn inay cidi kula wadaagto, xitaa hadday ciddaasi ahaan lahayd kuwii ku dhalay iyo kuwii kula dhashay.

Gabadheydiiyeey, ninkaaga u noqo naag iyo hooyo labadaba. Gaarsii heer uu aamino in aanay cid aan adiga ahayni jirin, mar kastana xusuusnow inuu nin (nin kasta) yahay carruur caga weyn, hadal macaan kan ugu yarina uu ka farxinayo. Yaanu kaa dareemin murugo iyo in guurka uu ku guursaday aawgii aad reerkaagii uga soo fogaatay, illayn isaguba waxa uu ka soo tegay gurigii aabbihii iyo reerkiisiiye. Ha yeeshee farqiga idiin dhexeeya adiga iyo isagu waa uun farqiga u dhexeeya nin iyo naag oo naagi mar waliba waa ay ka beer jilcan tahay kagana xiiso badan tahay ninka xagga waalidkeed iyo gurigii ay ku dhalatay, ku barbaartay waxna ku baratay. Waa inaad la qabsataa nolosha cusub iyo ninka cusub oo laga billaabo maanta noqday ninkaagii iyo carruurtaada aabbohood.

Gabadheeydiiyeey, waa kaa mustaqbalkaagii waana kaa gurigaad adiga iyo ninkaagu wada dhisateen, aabbahaa iyo hooyadaana ka soo qaad wax tegay. Ku oran maayo iska illow aabbahaa, hooyadaa iyo walaalahaa, haddaad adigu illowdana iyagaanba ku illoobi karin, waxanse kaa codsanayaa in aad ninkaaga jeclaatid, isu qurxisid, isagana u joogtid, weligaana maandhey iska ilaali masayr haddii kale furriin meel kuuma jiro).

Hooyo. 3: (Gabadhaydiiyeey, maal badni waalidkeed hadday gabari nin kaga maarmi lahayd adaa ugu horreyn lahaa, balse haddaynu dumar nahay rag baa naloo abuuray, sida raggaba annaga naloogu abuuray.

Gabadheydiiyeey, waddankaad ku dhalatay iyo gurigaad ku barbaartay waa tanoo waad ka baxaysaa, adoo aadaya dal aanad aqoon iyo nin aanad u baran la dhaqankiisa, ee maandhey u ilaali toban umuurood:

– Ta koowaad iyo ta labaad: Ku qanac wuxuu ku siiyo kana maqal wuxuu ku yiraahdo, maxaa yeelay qanaacada qalbigaa ku qabooba, maqalka ninkana rabbi baa raalli ka noqda.

– Ta saddexaad iyo ta afraad: Halka ishiisu qabanayso la soco, halka sankiisu urinayana ogoow, oo yaanay ishiisu qurux mooyee wax kale qaban, sankiisuna udgoon mooyee wax kale urin.

– Ta shanaad iyo ta lixaad: La soco waqtiyada uu wax cuno, uguna dadaal degganaanta waqtiga uu hurdo, maxaa yeelay gaajadu way gubtaa, hurdada oo lagu bar gooyaana way ka caraysiisaa.

– Ta toddobaad iyo ta siddeedaad: U dhowr guriga iyo maalka haku qaddariyee, una daryeel qaraabada iyo ubadka maamul aqoon iyo marwanimo hakuu qiree.

– Ta sagaalaad iyo ta tobnaad: Sir haka bixin yaanu kaa sad goosane, amarna haka diidin yaanu intuu kuu xanaaqo ku diline. Ha farxin isagoo murugeysan, hana ismurjin isagoo faraxsan)












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment