Damacyada Gaarka ah ee Raga u Qorsoon iyo Sida ay dumarka uga Hortagi Karaan

Bulsha:- Waxaa bari jirtay Haweeneey garoob ah oo lahayd xoolo badan ariba ha u badnaadaane. Waxay naagtu noloshaas ku noolaataba waxaa ogoodey oo ka war helay xaaladdeeda nin aanan hanti lahayn. Wuxa uuna aad u damcay naagtan iyo xoolaheeda.

Markaas ayuu ku fikiray in uu xoolaha caanohooda iska cabo hilibkoodana iska cuno. Laakiin waxa aanu ogayn in ay naagtu xoolo jeceshahay. Waa uu uyimid naagtii oo bilaabay in uu naagta isbaro. Kadibna waxa shukaansi dheer oo dhex maray ninkii iyo naagtii ku heshiiyeen in ay is guursadaan, laakiin waxay isku xireen shuruudo.

Ninka oo damac weyn oo dhinac xoolaha ahi uu ku jiro ayaa yiri anigu waxaan leeyahay hal ceeb ee ha ii qaban. “Waxaan qabaa ismood dhaaf oo wax baa niyadeyda ku soo dhacaya isla markiina waxa aan ku kacayaa fulintooda.
Naagtii ayaa iyana tiri .Taasi dhib malaha ee anigana mararka qaarkood waa laleelmoodaa ee adna taas ogoow’ Saas ayeey ku heshiiyeen, wayna isguursadeen.

Markii ayaamo la isqabay oo ninkii uu codkacii lasiin jiray iyo waxyaabihii kaleba ay dhamaadeen ayuu wuxuu ku fikiray in uu qorshihiisii bilaabo oo maalin waliba uu neef qasho. Wuxuuna ogaaday in naagtan ay aad u xoolo jeceshahay  oo aysan u ogolaanayn codsiyadiisa. Markaas ayaa inta uu booday ayaa ridii ay ugu jeclayd ariga bireeys ugu dhaqaaqay.

Naagtii xoolaha lahayd ayaa soo booday oo aan dheg laqabto lahayn. Waxayna waydiisay, “Waar maxaad rida u gawracday”
NInkii yaa waxa uu ugu jawaabay “Sow taan horey kuugu sheegey inaan qabo ismood dhaaf” Haweenaydii ayaa ku tiri, “Waa runtaa ee orod oo iska naso anigunaa waxaan soo karinayaa rida hilibkeeda”
Naagtii hilibkii markeey bisleeysay ayeey kasoo buuxisay baaf kadibna ula soo dhaqaaqday dhinaca ninkii jiifay.

Ninkii oo go ku duuduuban ayay hal mar wuxa uu ka war helay belaayo karkareeysa oo dusha looga shubay. Iintuu cirkaas u booday ayuu ku yiri, “Naa maxaad noogu daadisay fuudka iyo hilibka karkaraaya” markaas ayaa waxa ay ku tiri, “Sow taan kuu sheeygay in aan laleelmo qabo”. Kadib ninkii oo habaartamaya ayaa meesha ka cararay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment