Daawo Sawirro: Nin Shiinees ah oo ku dhaqaaqay arrin lala fajacay & warbaahinta caalamka oo hadal heysa

Bulsha:-   Nin u dhashay dalka Shiinaha oo Ingineer ah ayaa ku dhaqaaqay talaabo dad badan ka fajacisay ka dib markii uu xaas ka dhigtay haweeney robot ah.

Zheng Jiajia ayaa sheegay inuu ka daalay raadinta xaas bani’aadam ah oo jaceyl uu la wadaago, uuna door biday in talaabadan uu ku qanciyo naftiisa iyo waalidkiis oo culeys ku saarayey inuu guursado.





Talaabada uu qaaday Zheng Jiajia ayaa si weyn uga fajacisay dadkii ka war helay iyadoo warbaahinta caalamka ay arrintan si weyn u hadal heysay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Gabadha robotka ah ee uu ninkan la aqalgalay ayuu u bixiyey magaca ah Ying-ying, waxaana loo suuradeeyey ama loo ekeysiiyey muuqaalka gabar Shinees ah, iyadoo ku hadli karta ereyo aan sidaa u badneyn oo ka tirsan luuqada Chineska ah.

Arooskan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ninkan hooyadiis iyo saaxiibadiis, wuxuuna ka dhacay magaalada Hangzhou, balse maamulka dowlada hoose ee magaalada ayaa sheegay in guurkan aysan aqoonsaneyn.

Dalka China ayaa waxa ka taagan isu dheelitir la’aan la xiriirta tirada ragga iyo dumarka, waxaana 115-kii ragba ku soo aadaya 100 dumar ah taasoo sabab looga dhigay sharciga dalkaas ooan ogeleyn in qoyskiiba uu dhalo wax ka badan hal canug.
Qoysaska badankood ayaa ilmaha uurka ku jira iska soo rida marka ay ogaadaan iney gabar tahay, iyagoo daneynaya in canuga kaliya ee loo ogol yahay uu noqdo wiil taasina waxay keentay iney wiilashu bataan.







Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment