DAAWO MUUQAALKA: Tusi Ninkaada Sida aad u Rabto in uu ku Baashaalsho.

Bulsha:- Bani’aadamku waxa uu markasta u baahan yahay in uu wax ka barto si uu horunar uga gaadho arimo badan oo khuseeya noloshiisa. Marka ay tahay xidhiidhka ka dhexeeya lamaanahya ayaa waxa uu u baahan yahay in markasta hore loo mariyo.

In uu xidhiidhkaasi ahaado mid xiiso badan leh oo jacaka ka dhexeeya lamaanaha ka dhiga mid waara. Lamaanaha kor u qaada aqoontooda ku saabsan sida ay ugu raaxayn lahaayeen ayaa ah kuwo jacayl iyo farxad badan ku nool. Waxa uu mid waliba dareemaa sida uu ka kale ugu qanacsan yahay.

Baadhitaan la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in hablaha da’doodu u dhexayso 18 ilaa 29 ay ka haystaan aqoon fiican kulanka ka dhaca qolka sariirtu taal. Halka raguna ay yar tahay aqoonta ay ka haystaan qolka raaxada.

Mar hadii ay fududayn in aad u sheegtid ninkaaga sida aad doonayso in uu kuugu raaxeeyo, ayna adag tahay in la iskala hadlo sidii aqoon ku saabsan galmada loo wada baran lahaa ayaa waxa maqaalkan aan ugu tala galnay in aad u sheegtaan ragiina si ay u akhristaan. Waana maqaal aad u anfacaya jacaylkiina iyo ragiinaba.

Hadaba waa kan maqaalka uu ragu akhrisanyaan si ay horumar uga gaadhaan raaxada ay la samaynayaan dumarkooda.




Baashayska

Marka ugu horeysa in natiijo fiican laga gaadho qolka sariirtra ayaa waxa muhiim ah la isla soo galo ayada oo aad loo soo kulalaaday. Baasheynta (dhunkashada iyo salaaxa) ma aha in ay noqoto mid marka sariirta kor keeda oo kaliya la isku arko la sameeyo. Laakiin waa in ay ahaato mid tusaale ahaa la sameeyo subaxdii marka la kala tagayo oo shaqo iyo arimo kale la aadayo. Taas oo xaasjaaga ku bilaabaysa in ay ayada oo dareen kuu qabta shaqadeeda aado.

Faa’iidada ku jirta dareenka aad ku tustay dhunkashada iyo salaaxida ayaa waxa ay kuu arkaysaa in aad tahay mid markasta xaaskaaga raba oo jecl. Halkaasna waxa aad ka arkaysaa natiijada ka soo bixi doonta.

Dareenka jirka dumarka

Jirka haweenka waxa uu leeyahay meelo aad u dareen badan, laakiin nasiib daro lama ay soo dhalan haweenku buug ay ku qoran yihiin meelahaasi. Markaa waxa haboon in aad baadhitaan ku samaysid si aad u hesho meelaha xaaskaagu ka leedahay dareenka badan. Sida ay u muujiso dareen ayaad ka fahmaysaa in ay ku raaxaysanayso. Markaas ayaa waxa aad ogaanasysaa in aad wado fiican cagta saartay. Qalabka aad adeegsanaysaana si aad u hesho meelahaa aad raadinayso ee dareenka badanina waa dibnahaaga, carabkaaga, farahaaga iyo gacmahaaga.

Natiijaduna waxa ay noqonaysaa hooba hoo bay leedahay.

Kala bedbedel noocyada galmada.

Galmo kala duwan oo noocyo badan leh waxa ay keentaa raaxo badan, laakiin galmo hal nooc oo kali ahi waxa ay keentaa xiiso jab. Mararka qaar waxa fiican in saacado la wada raaxaysto halka mararka qaarna mid gaaban oo deg deg ahi xiixo badan leedahay. Isla markaana waa in uu kolba qof ahaado ka firfircoon ee shaqada aad u wada halka ka kalena ka yahay mid degan.

Natiijaduna waa idinka oo hela galmo leh macaan, raaxo iyo xiiso badan, kana badbaadaya galmo hal nooc oo kaliya ah.

Ogow waqtiga aad joojinayso galmada

Waa in aad joojisaa marka ay dhamaato, ragga qaar ayaa waxa ay u maleeyaan sii wadida galmadu mark ay dhamaatay in ay tahay mid fiican. Dhab ahaantii waxa ay rabtaa xaasku in aad sii wadid galmada in ay ka biyo baxayso, ka dibna jooji. Waxa kale oo muhiim ah in uu ninku xusuusnaado in mararka qaarkood galmadu ahaan karto mid si dhaqso ah ay xaasku u biyo bixi karto marna ay qaadato waqti dheer. Marka ay dhamaatana waa in hab la isa siiyaa, la isa sii shumiyaa oo aan la kala cararin.

Natiijada aad ka helaysaana waa adiga oo ogaanaya in mararka qaar uu qofku hore u biyo bixi karo mararka qaarna uu waqti qaato. Adiguna aad iska yarayso culayska ah in aad ahaato nin ku fiican galmada oo wadi kara saacado badan.

Raaxada bacda galmada

Mahadsanid macaan. Si kasta oo aad u daasheen ayaa waxa muhiim ah galmada ka dib in aad ahaataan kuwa isu sii raaxaynaya.Cilmi baadhis la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in raga qaar hurdo qabato galmada ka dib. Hadaba xaaji si aanad u seexan markasta oo aad xaajiyada sariirta isla aadaan waa in aad kula la raaxaysataa xaaska xiliyo kale duwan.

Natiijada raaxada bacda galmada ayaa ah jacaylkiina oo aad u sii xididaysanaya iyo waqti macaan oo aad isla qaadanaysaan.

Cosmopolitan

Adiguna sideed ugu guulaysatay in aad xaajigaaga ka heshid raaxada aad rabto?

















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment