Daawo:- Haweeneey Gacaliyaheeda u dishay Isticmaalida Facebook from Warfaafiye: by Editor Super

Bulsha:- Haweeneeydaan oo magaceeda lagu sheegay Terri-Marrie Palmer, ayaa gacaliyaheedi Mindi wadnaha ka gelisay ilaa uu ka dhinto, kadib markii uu si xad dhaaf ah u isticmaalay Facebooka oo uu ka diiday inuu joojiyo isticmaalkiisa.

Terri-Merri, ayaa aad uga xanaaqday in saaxiibkeed Damon Searson uu waqti badan isticmaalo Facebooka islamarkaasina uu Sawiradiisa dhigo, taasoo keentay ineey aaqirkii Mindi Wadnaha ka geliso.


Terri-Marri, ayaa la sheegay ineey dhowr  mar uga digtay gacaliyaheeda isticmaalka badan ee Facebooka iyo inuu Sawiradiisa soo Post gareeyo, balse Damon ayaa iska sii watay hoowshiisa ilaa ay gacalisadiisa wadnaha Mindi ka geliso.
Terri-Merri, ayaa markii ay gacaliyaheeda Mindida wadnaha ka gelineysay la sheegay inuu ku mashquulsanaa Facebooka oo uu Haweeneey kale la sheekeeysanayay.

Isbuucii lasoo dhaafay ayaa Terri lasoo taagay Maxkamad, waxayna qiratay dilka, waxaana lagu xukumay xabsi Cimrigaa haku furto ah.

Kahor geeridiisa bil, ayaa waxaa la sheegay in Damon uu soo gatay Mobil cusub, kaasoo uu inta badan inta sawiro isaga qaado kusoo Post gareeynayay Facebookiisa.

Tan la yaabka leh ayaa ah in Terri markii ay dishay gacaliyaheeda ay iyada wacday Booliska, islamarkaasina ay u sheegtay in ujeedkeedu uusan ahayn ineey disho gacaliyaheeda.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment