DAAWO: Gabar Soomaaliyeed oo ku hor bannaanbaxday cunsuriga xisbiga Ukip ee UK

Bulsha:- Gabar Soomaaliyeed oo qabsatay warbaahinta dalka UK, taasoo ku hor bannaanbaxday goob uu ka khudbeynayay hoggaamiyaha xisbiga Ukip, Paul Nutsall oo ku caan ah naceybka dadka soo galootiga iyo islaamka, wuxuuna xiligii ay gabadha Soomaaliyeed ku qeylinaysay uu sheegayay in la mamnuuco indha shareer ay tahay.

Gabadhaan Soomaaliyeed oo xijaaban iyo koox kale oo taageersan ayaa si xoog ah ku galay hoolka uu ku sugnaa Paul Nuttall, iyagoo ku qeylinayay in xisbiga Ukip u qalmin hoggaanka UK iyo in uu caan ku yahay naceybka muslimiinta iyo asturnaantooda.

“Waa cunsuriyeen, waxay beegsadaan haweenka muslimiinta iyo dadka kale, qaxootiga” ayey gabadhaan Soomaaliyeed ku qeylinaysay, iyadoo ay garbaheeda taagnaayeen rag jinsiyado kale u dhashay oo gacmaha ku haystay boorar lid ku ah Paul Nutgall.

Paul Nuttall ayaa jimcihii sheegay in ay haboon tahay in la mamnuuco indha shareerka ay xirtaan haweenka muslimiinta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment