DAAWO: Doorashada Madaxwaynaha Galmudug oo socota : Muuqaal Toos ah

Bulsha:- Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ka bilaabatay xarunta Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo ay ku sugan yihiin Xildhibaanada dooran lahaa Madaxweynaha iyo Musharaxiintii u tartameysay.

Waxaa hoolka ku sugan wafdi ka socda dowladda Federalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo marti sharaf kale.

Musharaxiinta u tartami doona doorashada Madaxweynaha ayaa waxay kala yihiin.

1- Axmed Ducaale Geelle Xaaf, 2- Axmed Shariif Cali Hilowle, 3- Prof. C/qaadir Shirwac


Xildhibaanada Galmudug oo gaaraya 89 Xildhibaan ayaa dooran doona saddexdan Musharax, waxaana musharaxii hela cododka 3 meelood labo meel uu noqonayaa mid ku guuleysta doorashada Madaxweynaha, hase ahaatee hadii aanay dhicin, labada musharax ee ugu codka badan ayaa wareega labaad u gudbi doona.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment