Daawo: Donald Trump oo Doonaya in uu la Kulmo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un

Bulsha:-  Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu la kulmo Hogaamiyaha mayalka adag si weyna looga neceb yahay meelo badan oo dunida kamid ah Kim Jong Un.

Wareysi Madaxweyne Donald Trump uu siiyey maalintii shalay Telefeshinka Bloomberg, ayuu ku sheegay inay sharaf u ahaan laheyd la kulanka madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi hadii uu helo waqti ku habboon.


Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa wareysi kale uu siiyay Telefishinka CBS ku amaanay hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, waxa uu ku tilmaamay Kim Jong Un nin xariif ah oo xilka dalkiisa qabtay isaga oo aad u yar kana bad baaday mar xalado kala duwan.

“Isagoo 26-sano jir ah ayuu awoodda qabtay. Dad badan ayaan hubaa inay isku dayeen inay awooddaas kala wareegaan, ha noqdo adeerkiis ama qof kale, waxaana u suurto gashay inuu awoodda haysto. Sida muuqata waa nin aad xariif u ah” ayuu yiri Trump
Madaxweyne Trump ayaa hadalkan sheegay xili maalmo yar kahor uu ka dhawaajiyay in uu ka fekerayo tilaabo milatari uu ka qaado Waqooyiga Kuuriya oo ku mashquulsan tijaabinta gantaalada ridada dheer ee xambaari kara hubka nukliyeerka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment