Daawo: Arin Naxdin Leh oo soo Baxday Kadib Dilkii Wasiir SIRAAJI, Xildhibaan iyo Khubaro Shaaca ka qaaday (Video)

Bulsha:-  Khubaro dhinaca ammaanka iyo xubno xilal horay u soo qabtay ayaa su’aal ka keenaya sida xilligan u dayacan yihiin qaar ka mid ah ammaanka Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhacdadii xalay ee lagu dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa waxay banaanka keeneysa, sida aanan la isaga xil saarin Wasiirada ku cusub saaxadda Siyaasada Soomaaliya oo qaarkood suuragal ay tahay inaysan Muqdisho ku sugnaan jirin oo dalal kale ay ka yimaadeen.

Baaritaano horudhac ah ayaa lagu ogaaday in 40% ay Wasiirada Xukuumadda uu amnigooda dayacan yahay, kuwaas oo aan laheyn ilaalo iyo gaadiid aan xabadaha karin, Sidoo kale waxaa dayac uu ka muuqdaa ammaanka xubnaha Xildhibaanada qaarkood oo gaadiidka ay wataan gacmahooda ku wata, iyaga oo aanan la socon haba yaraate Askari qudha.


Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qiray dayaca amni ee haysta masuuliyiinta Dowladda.

Wasiirada qaar ee Xukuumadda ayaa wata gaadiidka aan xabada karin iyo dhawr gaadiidka dagaalka ah oo ciidamo ay saaran yihiin, waxaana Wasiiradaasi ay u badan yihiin kuwa miisaanka ku leh Xukuumadda sida Wasiirada kala ah amniga, Maaliyada, arimaha dibada, Gaashaandhiga iyo arimaha gudaha.

Wasiirada kale ee xilalka ka haayo Dowladda intooda badan ma haystaan gaadiidka aanan xabada karin, Wasiirkii xalay lagu dilay Muqdisho wuxuu watay gaari noociisa uu yahay midka Soomaalida ay u taqaan Harier, xabad lagu riday oo ka dhex baxday muraayada hore ee gaariga ayaana sababtay geerida Wasiirka.
Wasiir Cabaas Siraaji oo ahaa nin dhalinyaro ah, wuxuu waqtiga inta ugu badan ku soo qaatay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ku lahaa saaxiibo nolol ay adag ay ku soo wada koreen waxna ay ku soo barteen.

Qaar ka mid ah saaxibadiis ayaa dalbanaya in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo falka Wasiirka lagu dilay, iyaga oo ka ilmeynaayay inay waayeen saaxiib qaali ku ahaa.

Inkastoo aanan laga hor dhici karin Baaritaanka socda ee ku saabsan dilka Wasiir Cabaas Siraaji, hadana laamaha ammaanka iyo cadaalada Dowladda ayaa laga dhul sugayaa sida loo maareeyo kiiska Wasiirkaasi xalay lagu toogtay Muqdisho.

Ciidanka Dowladda ayaa inta badan hab dhaqan argagax geliya Bulshada ku dhaqma, xilliyada ay dusha ka saaran yihiin Baabuurta ay la socdaan masuuliyiinta, waxaana la arkaa askari si masuuliyad la’aan ah qoriga ugu waabinaya muwaadin gaari wata oo wadada maraya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment