Caddow Masii Ahaan Doonaan Deepika Iyo Katrina Kadib Hadalkii Deepika Kasoo Yeeray

Bulsha:- Deepika Padukone iyo Katrina Kaif waa labo atirisho oo Bollywood-ka awood balaaran ku leh balse xifaaltan qaab daran ka dhaxeeyo waxaana labadaan gabdhood noloshoosa isa hor keenay Ranbir Kapoor oo ay xiriir jaceyl lasoo wadaageen.

Haatan dagaalkii ka dhaxeeyay waxaa soo idleesay atirishada Deepika oo si lama filaan ah hadal qaboow oo dhanka Katrina ku aadan kasoo yeeray.

Hadaba Deepika oo ka qayb galeyso maanta bandhiga Fashion-ka L’Oreal Paris ee xaflada Cannes ka dhacaayo ayaa wax laga weydiiyay sida uu haatan xiriir kala dhaxeeyo Katrina madaama la sheegay muuqaalka ay Deepika ku mataleyso heeska filimka Raabta ku jirto ka talo bixisay Katrina.

Deepika waxay tiri “Marwalbo wey wanaagsan tahay in la is caawiyo gaar ahaan qof loolan kaala dhaxeeyo ama isku jiil tihiin ku caawiyo anigana waan soo dhaweynaa waana ku tixgalinaa Katrina sida ay ii caawisay”

“Sidoo kalena Katrina waan ku tixgalinaa sida ay u hormarisay waayaheeda fanka iyo nolosheeda gaarka ah”
Dabcan Deepika waxaa kasoo yeeray hadal sababi karo inay Katrina isku soo dhawaadaan sidoo kalena ay meesha ka baxdo xurgufta in mudo ah labadaan atirisho dhex tiilay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment