Atariishada Kacsan Ee Keerthy Suresh Oo Super Star Vikram Kala Soo Muuqan Doonto Filim Saamy 2

Bulsha:-  Filim sameeyaha caanka ah ee Hari Iyo Super star Vikram ayaa sameynaaya qeybta labaad filimka Blockbuster-ka weyn noqday ee Saamy ee la daawady 2003.

Mashruucaan ayaa la qorsheynaaya in duubis lagu bilaabi doono sanadkaan gudahiisa kooxda filimka saamy 2 ayaana mashquul ku ah jilaayaasha filimkaan kasoo muuqan lahaayeen.

Atariishada qeybta koowaad ee filimkaan Trisha ayaa la sheegay inay sameyn doonin qeybta labaad ee filimkaan waxaana filimkaan lagu soo daray atariishada kacsan ee Keerthy Suresh.

Trisha ayaa la sheegay in filimkaan ay ku lahaad doonto muuqal yar oo gaaraya 15 ilaa 20 daqiiqo kooxda filimka Saamy 2 ayaan warbaxintaan shaaca ka qaaday in Trisha filimka ay ku leedahay ilaa 20 daqiiqo.
Keerthy ayaa noqatay atariisho caan ah ka dib filimo xiriir oo guulo waa weyn u gaareen waxayna la shaqeysay jilaayaasha ugu wa weyn koonfur hindiya sida Suriya, Vijay Iyo Pawan Kalyan.

Atariishadaan ayaana hada ku mashquulsan Pawan Kalyan filimkiisa xiga markay soo dhameyso duubista filimkaas ayay bilaabi doonto shaqada filimka Saamy 2 oo hogaamiye ka ah Super Star Chiyaan Vikram waxaana duubis lagu bilaabi doona bilaha July Ama August.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment