Arooskii ugu Naxdin Badnaa oo shalay Muqdisho ka Dhacay oo lagu kala cararay kadib markii la…

Bulsha:- Waa sheeko Aad u cajiib ah arin maanta ka dhacday mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho gaar ahaan goob Aroos uu ka socday.

Waxaa la sheegayaa in Xafladda Arooska ay si caadi isaga socdotay, hase ahaatee Nin raashiin Gaad ahaa (Kuluundi) uu meesha ku ilaaway Bac Bariis uu ku qabeestay (Qarsaday).

Laakiinse xoogaa ka dib ayaa la’is tusay Bac Madoow buuxdo misane meel gees ah taalo, dadkiina waxay iska dhaadhiciyeen waa walxaha Qarxa, Laba meel isku sheegtana waa la waayay.

Xitaa waxaa la sheegay in Aroosadii iyada oo carareysa ay qolka kasoo baxday.
Intaasi ka dib iyadoo la leeyahay haloo yeero ciidanka amaanka si waxaan u xaqiijiyaan ayaa meesha waxaa kusoo Laabtay Kaluundigii oo ka wal walsan in Bacdii Raashiinka ahayd laga qaatay.

Hase ahaatee waxa uu arkay dad meesha ka kala yaacsan, waxaana uu su’aalay waxa dhacay, waxaase la yiri Qarax ayaa yaalo.

Isaga oo is dhahaaya Bacdaada tartiib u qaado Qaraxa inta aanu meesha ka dhicin ayuu aaday dhinaca Bacda iyadoona loo sheegin halka ay wax ka jiraan.
Markii uu dhankaasi aaday ayaa halmar waxaa ku wada qeyliyay shacabkii oo leh, war Qaraxa ha aadin, intuu Labada dhinac iska eegay ayuu Bacdii ku booday.

Yaa sii joogay meesha Nin walboow Naftaa, kala cararkii aduunka, markaas buu ku yiri “Xariif Yaaloow Bacdaan hadii aad ka ordeysaan Bariis aan iloobay lee waaye”

Markaas ayeey dadkii neefta kusoo laabatay, ka dibna qof walba meeshiisa qosol ka camirtay.















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment