Alia Bhatt Oo Si Rasmi Ah Sheegtay Inee Taagero U Tahay Prabhas Ayna Rabto Inee Filim Lasameyso!!

Bulsha:-  Filimsameye SS Rajamouli wuxuu sameyay aflaam taariikhi ah balse filimkiisa ugu weyn sheeko ahaan iyo ganacsi ahaanba waa Baahubali labadiisa qeybood.

sidaa awged Rajamouli Prabhas wuxuu kadhigay xidig weyn kaaso dunida oodhan ku baahay, gabar walbana maanta ay aad ugu waalaneyso.

hadaba Alia Bhatt oo kamid ah xidigaha ugu da’da yar Bollywoodka dhanka awoodana aanan yareysan ayaa cadeysay inee taagero u tahay Prabhas.

waxay aheyd xili ay Twitterka fadhiday suaalo badana la weydiinayey balse waxaa xusid mudan in suaalahas ay u badnaayen filimka wacdaraha dhigaayo maanta ee Baahubali: The Conclusion iyo waliba hogaamiyaha filimka Prabhas.

Alia waxaa sual weydiyay mid kamid ah isticmaalayasha Twitterka wuxuu yiri yaad taagero rasmi ah u tahay waqti xaadirkan xidigaha koonfur India?

Alia ka jawabeysa waxay tiri ” Prabhas”, waa arin taageroyaal badan aad oga farxisay hadalkaas, sidaa awged isticmaalihii suaashisa ayuu sii watay wuxuu markale weydiiyay Ma Jeclaan laheyd inaa la shaqeyso filimsameye SS Rajamouli?

waxay tiri ayadoo jawabeysa,” Haa Dabcan, aadban u jeclaan lahaa, waa fursad dahabi ah”, balse mid kale ayaa sii qaatay hadalka oo markaan weydiyay sheekada nuxurkeeda oo wuxu yiri,
Kawaran hadee kusoo marto fursad ah inaa filim kala soo muuqato xidiga weyn ee Prabhas?

Alia oo sidhaqsi ah oga jawabeysi suaashas iyo hilowga ay u qabta lashaqeynta xidigaan waxay tiri,” haa, aadbe u fiicnaan laheyd, yaa diidi karaba lashaqeynta prabhas! qofwalba si dhaqsi ah ayuu ula shaqeyn lahaa Prabhas.”

waa arin aad u farxad galin doonto hadee Prabhas iyo Alia Bhatt shaashada iskala soo muuqdaan, dabcan Prabhas waxaanu arki doona mashruucisa uu kusoo baxayo Bollywoodka atariishada hogaamin doonto.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment