Akhriso: Astaamaha ugu muhiimsan ee aad ku garan kartid gabadha ku jecel…


Bulsha:- Qormadan oo uu qoray bogga arrimaha caafimaadka ka faallooda ee [Every Day Health Information] lagu magacaabo ayaa si hoose uga hadleysa astaamo raggu ku fahmi karaan gabdhaha ay lasheekeysanayaan inay jecelyihiin ama ay aad u daneynayaan iyo in kale.

Qormadan oo ku timid baaris ay sameeyeen khubaro cilmi nafsiga ku xeeldheer waxa ay cinwaan uga dhigeen: “haku kadsoomin gabadh aanan laheyn astaamahan’’waxayna ku billaabaneysaa sidan:

Ballaadhashada barta madow ee isha: waa calaamadda ugu muhiimsan marka ay gabadha ku jecel ku eegeyso in barta madow ee isheeda ballaadhato iyadoon dareemin, waxaana taa u sababa murqo yaryar oo isha ku yaal isbedel ku imaanaya, dabadeedne barta madow ay ballaadhaneyso, waxayna dhalineysaa calaamaddan kuu muujineysa in gabadhani ay jeceshahay inanka ay la joogto, waana calaamad xooggan. Gabadha ku jecel waxaad kaloo ku arki kartaa iyadoo muddo ku eegeyso haddii aad soo eegto inay si degdeg ah isha kaaga wareejiso, taasoo aysan ku xirneyn rabitaankeeda balse uu sabab u yahay nooc ka mid ah dareenwadka oo loo yaqaan sympathetic nerves oo ay aragtida qofka ay jeceshahay saameyn ku yeesha, dabadeednedhaliya qulqulka hormuun la yiraahdo adrenaline kaasoo ah waxa keenaya isbedellada isha ku imaanaya. Dareenwadkan waxaa aad u kiciya isbedel kasta oo ku yimaada nafsadda qofka, sida; caadifadda, cabsida, carada iwm.

Dhageyso codkeeda: codkeeda haddii uu inyar ka hooseeyo kii lagu yaqaanay waa calaamad kale

Ka eeg dhoolacaddeys: markaad u sheekeyneyso waxa ay sameyneysaa dhoolacaddeys khafiif ah oo ay isku dayeyso inay qariso yaxyax awgii, xataa haddii aadan ka hadleyn wax qosol keeni kara.

Dhaqdhaqaaqa jirkeeda: si aan ku talagal aheyn ayuu jirkeeda fasiraad uga bixinayaa dareenkeeda, tusaale ahaan; haddii ay hortaada soojoogsato iyadoo jirkeeda isku duubneyn waxa ay muujineysaa kalsoonida, dhiirranaanta iyo hanka ay kuu qabto, balse haddii ay ku soo hor istaagto iyadoo gacmaheeda isku duubanyihiin waxa ay ku tuseysaa inay welwelsantahay ama ay ka xishooneyso in ay kula hadasho.

Eeg bushimaheeda haddii aad ka aragtid inuu ku jirojareys aad ufudud ogaw inay ku jeceshahay, haddiise aad ku aragtid iyadoo isku dayeysa inay gacanta ku taabato bushimaha ama qaniineyso gabadhaasi aad bay kuu xiiseyneysaa.

Ugu dambeyn xasuusnow calaamadahan ma qarin karto gabadha oo waa wax aan ku xirneyn xakameynteeda, sidaa awgeed si feejignaan leh ulasoco calaamadahan oo ha lumin fursad, waxa ayna qormadan ku soo gabagabeeyeen inuusan ninku ku kadsoomin gabadhi aanan laheyn astaamahan waayo kuma jecla.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment