AKHRI: Guurka oo La Ogaaday Inuu Ka Hor-tago Xanuuno Badan Oo Dilaa Ah, Maxaa Kamid ah.?

Bulsha:- Daraasad cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in guurka lagaga badbaado xanuuno khatar ah oo sababi kara dhimasho, gaar ahaana marka ay dadka is guursaday yihiin kuwo isku faraxsan isna ogol.

Daraasadan oo ay samaysay jaamacadda lagu magcaabo Leeds oo ku taala dalkaasi Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in Guurku yahay mid ka hortaga oo qofka ka ilaaliya xanuuno ay kamid yihiin Wadne Xanuunka, Faaliga iyo Maskaxda oo isku dhex yaacda.

Waxaanay khubaradani sheegeen in ay taasi ku xidhan tahay xaalada deganaansho ee lamaanuhu ku sugan yihiin waqtigaasi , sidoo kalena ay ku xidhan tahay hab dhaqankooda, waxaanay meesha ka saareen xaaladaha maaliyadeed ee qoyska oo ay sheegeen in aanay saamayn ku lahayn ka hortaga xanuunadan.

Waxa kale oo ay ka bad baadida xanuunadan khubaradani ku xidheen hurdada lamaanaha , iyaga oo sheegay in lamaanaha hurdadooda ay lafteedu tahay mid ka qayb qaadata ka bad baadida xanuuno badan.

Dhibaatada ugu badan ee soo food saarta lamaanaha , sidoo kalena keenta xanuunadan iyo kuwo lamid ah ayay sheegeen inay kow ka tahay Khuuradda oo mid kood uu khuuriyo, sidoo kalena waxay sheegeen  in hurdo xumada iyo qofka oo aan helin hurdo ku filan uu keeno xanuunadaasi, gaar ahaana madax xanuunka .

Hurdo la’aanta ayay sheegeen inay keento wadne xanuunka iyo sidoo kale Faaliga, iyada oo jidhkeenu uu noqonaayo mid aan dheeli tirnayn marka uu hurdo ku filan waayo, waxaanay intaasi ku dareen in hurdo la’aanta iyo hurdo yaridu ay meesha ka saaraan 30% kamida biyaha jidhka ku jira.

Khubaradan ka socotay jaamacadda Leeds ayaa sheegay in ay ogaadeen in 29% lamaanaha caalamka ku nooli in aanay helin hurdo ku filan, taasina ay keento dagaal joogto ah iyo xanuuno ay la kulmaan.

Khuburada daraasadan waday ayaa sheegay in hurdo la’aantu keento dhibaato caafimaad daro oo ay kamid tahay wadne xanuun,Macaan iyo sidoo kalena maskaxda qofka oo khal khal soo food saaro.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment