4 Arrimood Oo Ninka Laga Rabo Inuu Sameeyo Si Qoysku U Waaro

Bulsha:- Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay furayaasha guusha iyo waaridda nolosha qoysnimo. Marka ay sidan ragga qaar u fikirayaan waxa aad mooddaa in ay iska indho tirayaan xaqiiqada ah in guurku uu yahay heshiis laba dhinac ah oo ku dhisan wax is dhaafsi iyo in mid kasta oo ka mid ah lammaanuhu uu leeyahay doonis iyo wax uu kan kale ka filanayo taas oo haddii la helo waxbadan ka qabanaysa in xidhiidhka qoysnimo waaro.

Khubarada cilmiga bulshada ee aad u diraaseeyey xidhiidhka lammaanuhu waxa ay caddaynayaan in jidka ugu horreeya ee lagu xaqiijin karo badhaadhaha iyo guusha qoysnimadu ay tahay iyada oo daraf walib ka kale u fuliyo waxa uu dalbanayo iyo danaha uu leeyahay iyo in aanu labada dhinac (Ninka iyo gabadha) midkood filanin in isaga oo aan waxba dhaafsan uu kan kale u qumiyo dhammaan danaha iyo doonista naftiisa.

maanta waxaan uu akhristayaasha la wadaagaynaa dhawr qodob oo qaar ka mid ah xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu ay sheegayaan haddii raggu ay fuliyaan in ay fure u noqon doonto Guri negi iyo in ay si fiican isu fahmaan xaasaskooda.

1. Dareensii inay tahay qof la jecel yahay: Waa dabeecad dumarka oo dhami wadaagaan, gabadh kastaa waxa ay doontaa in ay dareento jacaylka loo qabo iyo illaa heerka uu saygeedu kalgacal u hayo. Haddaba dhibtu waxa ay tahay in rag badani ay xitaa ku fashilma in ay farriin yar oo Waan ku jeclahay ah u diraan xaaskooda, laakiin waxa ay ma’ oggan yihiin in farriintan yari kelideed daboolayso baahiyo badan oo ay gabadhu qabto.

2. Is Cafiska iyo dulqaadka: Sinnaba kuma waari karo guri aan tiir looga dhigin is-cafis iyo isu-dulqaadasho dhex taalla lammaanaha is qaba. Waxa muhiim ah in uu ninku fahmo in aanu jirin Aadame dhamaystiran, xaaskiisuna ay tahay Aadame. Marwalba waa in uu ku dadaalo cafiska iyo iska indho tirka qaladaadkeeda yaryar.

3. Sheeko iyo haasaawe: Waa cado jirta in marka ay lammaanuhu muddo is qabaan ay illaabaan habkii sheeko iyo haasaawe ee xiisaha lahaa oo horraantii uu midkoodba kan kale ku sixri jiray, waxa la arkaa sheekadooda oo noqotay mid daal iyo niyad jab uun keenaysa. Laakiin khatarta jirtaa waxa ay tahay in marka xaalku halkaa gaadho la filan karo burbur iyo nacayb soo dhex gala qoyska.

Ragga ayaa ay dhibtani inta badan ka timaaddaa, oo xilliga ay xaaska isku cusub yihiinna sheeko iyo haasaawe xiise badan bara, hadhowna ka daala oo aan xiisayn xitaa in ay si fiican uga wada hadlaan arrimaha danta gurigooda ah, sidaa awgeed khubarada xidhiidhka bulshadu waxa ay kula talinayaan in ninku marka uu la fadhiyo xaaskiisa aanu ka sheekayn shaqada, xaaladda cimilada, dhacdooyinka siyaasiga ah iwm. Balse uu xaaskiisa u bilaabo sheeko iyo haasaawe ku saabsan xidhiidhkooda iyo gurigooda ama naftooda. Iyo in mararka qaarkood uu xasuusiyo qisaskii xiisaha lahaa ee bilowgii xidhiidhkooda, sida in uu uga sheekeeyo waayahoodii dhalinyaronimo ee quruxda badnaa.

4. Iyada ayaa ka mudan: Rag badan ayaa ay caado u tahay in xaaska ay uga sheekeeyaan shaqadooda iyo duruufahooda shakhsiga ah ama hiwaayaddooda oo keliya, tani waxa ay gabadha ku beertaa diiqad iyo in ay qaadato dareen ah in iyada ubadkeedu ay darajada labaad ka yihiin danaynta ninkeeda. Ninku waa in uu xaaskiisa iyo ubadkiisaba dareensiiyaa in ay yihiin kuwa ugu mudan fikirkiisa iyo danayntiisaba.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment