Xanaaqa: Maxay dadka u qeyliyaan markay careysan yihiin? + Sababta Rasmigaa..

Bulsha:-  Dabeecadaha bini’aadanka waxaa ka mid ah in marka ay careysan yihiin ay kor u qeyliyaan xitaa haddii ay aad isugu dhow yihiin. Maxaa keenaya arrintan? Waxa weeye. Goortii laba qof isu careysan yihiin waxaa kala fogaada Qalbigooda, si uu masaafadaa u daboolo, Qalbigaa fogaadayna u maqlo ayuu qofku si sare u qeylinayaa. Mar kasta uu aad u sii caroodo, waxa sii xoogeysanaya oo kor u sii kacaya Qeylada maadaama Qalbigana sii fogaaday.

Maxaa dhacaya marka laba qof is jecel isku faraxsan yihiin? Iskuma qeyliyaan balse waxay isula hadlaan si dabacsan, sababtoo ah Qalbigooda ayaa aad isugu dhow. Ma jirto, ama waa wax yar, Masaafo u dhexeysa Qalbigooda. Kolkay aad isu sii Jeclaadaan maxaa dhacaya? Ma hadlaan mar mar way faqaan ama way is eegaan keliya.

Markaad carooto samee marka koowaad sidi Rasuulkeena suubanaa SCW noo sheegay, “Haddii qofku caroodo ha yiraahdo: “Acuudu Billaahi, Caradiisu way baaba’aysaa” Xadiis kale Rasuulku SCW wuxuu yiri, “Haddii mid idinka mid ah xanaaqo, ha aamuso.”

1. Qofka aadka u xanaaqa badan, wax kastana ka careysiiyaan wuxuu ka dhigan yahay qof gacanta ku heysta dhimbil dab ah, naftiisa oo keliya ayayna gubaysaa.

2. Goorta qofka dabeecadiisa rasmiga ah & runtiisa la ogaado waa markuu careysan yahay wixi uu ku hadlo

3. Haddii aad Saxan tahay looma baahna in aad Xanaaqdo, Haddii aan Qaldan tahay Xaqba uma lihid inaad Carooto

4. In aad xanaaq la qarxato, naceybna caloosha ku heysato waxay ka dhigan tahay in aad naftaada u ciqaabto qaladaadka dadka kale. Waxay kaloo ka dhigan tahay adigoo Sun cabaya ka dibna filaya in qof kale u dhinto

5. Samirka aad u samirto Qoyskaaga waa Jaceyl, Dulqaadka aad u dulqaadato dadka kale waa Xushmad. Samirka naftaada waa Kalsooni. Saburka aad ku saburto Qadarta Alle waa Iimaan

6. Haddii qof uusan kula caaytamin ama kaa daba qaadan macnaheedu maaha in uu daciif yahay. Macnaheedu waa in uu yahay qaangaar iyo saaxiibul caqli garanaya in carada daran & xanaaqu aysan waxba xalliin

7. Wax dumarku u baahan yihiin in ay ogaadaan: Ninka sida dhabta ah kuu jecel marnaba ma ku sii deynayo si kastuu u caroodo ama xaaladu u adag tahay, wuxuu raadinayaa is bedel & xal. Wax Raggu u baahan yihiin inay ogaadaan: Haweenayda sida dhabta ah kuu jecel waxay kuugu xanaaqeysaa waxyaabo badan, laakiin marnaba kaama tageyso, waxay rabtaa oo raadineysaa horusocod iyo horumar



8. Haddii aad xanaaqdaan ha u oggolaanina qalbiyadina inay kala fogaadaan, ha oranina erayo sii kala dheereeya, haddii kale waxaa dhici karta inay timaado maalin masaafada si xad dhaaf ah u fogaato oo aad weydaan wado aad ku soo celisaan










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment