War Cusub: Bipasha Basu Oo Loogu Dhawaaqi Rabo Filimka Ay Kusoo Laaban Laheed!!

Bulsha:-  Honeymoon Bil ayaa la isku ogaa laakiin sanad ayee kadhigta Bipasha maadama mudo sanad ah wax film aysan sameyn.

xidigtaan ayaa aqal gashay sanadkii hore bishii Apr 28 keedii sidaa awgeed waa mudo sanad ah inta ay ka maqantahay shaashada horteeda.

hadaba taagerayasha xidigtaan ayaa dhagta u hayey in filim uun xitaa loogu dhawaqi doono oo ay kusoo laaban doonto, ugu dambeyn waxay saxiixatya mashruuc cusub.

inkastoo mashruucan aanan wali wax faahfaahin ah laga heenin, hadana wararka ayaa nagu soo gaaren in Bipasha ay saxiixtay filim cusub kahor inta aysan aadin bandhigii caalamiga ahaa ee Da-Bangg Tour oo uu Salman Khan kula weheliyay.

taasoo na la rajeynaayio in guud ahaan lagu dhawaaqo mashruucan cusub, waa arin farxad leh marba hadii Bipasha shaashada kusoo laabaneysa.

filimkeedi udambeyay wuxuu ahaa Alone kaasoo la dawaday 2015, sido kale waxaa jiray mashruuc 2016 baaqday oo ahaa Bhai Must Be Crazy kaaso uu kula wehelin lahaa atooraha Pankaj Kapur balse filimkaas wax duubis ah laguma bilaawin wey suurto gali weysay in uusii socdo mashruucas.

sikastee ahaataba lama oga mashruucan wuxuu noqon doono inuu mashruuc cusub yahay iyo kii horey u baaqday inuu yahayba, wuxuu ahaadaba xiligii lagu dhawaaqo ayaanu ogaanena.

 












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:



Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment