Tiger Shroff Saaxiibtiis Disha Patani Waxay Aad U Jeceshahay Heesaaga Laga Daba Dhacay Justin Bieber

Bulsha:- Fanaanka caanka ah ee dhalinta aduunka wada jecel yihiin Justin Bieber una dhashay dalka Canada ayaa lagu wadaa inuu gudaha Hindiya bandhig faneed ku qabto dhawaan.

Atirishada Jacqueline Fernandez ayaa xariiriye ka noqon doonto bandhig faneedka uu Justin Bieber ku qaban doono garoonka caanka ah D.Y. Patil Stadium ee magaalada Mumbai ku yaalo 10-ka bisha May ee nagu soo fool leh.

Hadaba Disha Patani oo ah atirisho dhalin yar sidoo kalena saaxiib la ah Tiger Shroff ayaa sheegtay inay aad u jeceshahay Justin Bieber sidoo kalena ay Hindiya kusoo dhaweyn doonto.

Disha Patani waxay tiri “lama soo koobi karo jaceylka aan Justin u qabo hadii aan arko farxad ayay ii ahaan doontaa sidoo kalena Hindiya gacmo furan ayaan ugu soo dhaweenayaa”
Dabcan Tiger Shroff saaxiibtiisa banaanka ayay soo dhigtay jaceylka waalida ah oo ay u qabto Justin Bieber waxaana la wada dhowri doonaa hadii Tiger jaceylkiisa uu garoonka D.Y. Patil Stadium u raaci doono si ay Justin usoo wada daawadaan 10-ka bisha May ee nagu soo fool leh.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment