SPORTS:- Muxuu Marcelo ka yiri guushii uu gaarsiiyey Real Madrid iyo loolanka La Liga?

Bulsha:- Daafaca dambeedka bidix ee reer Brazil Marcelo ayaa maalin ay u baahneyd dhibcaha siiyey kooxdiisa Real Madrid ciyaartii ay wajahday Valencia.

Marcelo ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta shabaqa soo taabtay si uu dhibcaha ugu qaado Los Blancos kulankii galabta ka dhacay Estadio Santiago Bernabeu.

Dani Parejo ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta kansalay goolkii uu Cristiano Ronaldo hogaanka ugu dhiibay Real Madrid qeybtii hore.

Isagoo ka hadlayey ciyaartaan, xiddiga reer Brazil ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan ku guuleysanay seddax dhibcood oo adag.

Dhanka kale, Marcelo wuxuu aaminsan yahay in dagaalka koobka La Liga uusan dhammaan doonin illaa daqiiqadda ugu dambeysa xilli ciyaareedkaan.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment