SPORTS:- Manchester United oo qiimo waalli ah ku dooneysa dillaaga weerarka ugu halista badan Serie A

Bulsha:-  Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay 84 milyan oo ginni kyu dooneyso weeraryahanka kooxda Torino Andrea Belotti, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya England.

Si kastaba ha ahaatee, wararka kasoo baxaya Italy waxay sheegayaan in aysan Torino weeraryahankeeda ku iibin doonin wax ka yar 100 milyan oo ginni, waxaana xusid mudan inay sidoo kale dooneyso kooxda Juventus.

Balse tababaraha Man Utd Jose Mourinho oo 170 milyan oo ginni xagaagaan ku qarash gareyn doona suuqa kala iibsiga, ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilaanmeed sarre ka dhigtay gooldhaliyahaan Belotti.

Belotti wuxuu dhaliyay 25 gool oo horyaalka Serie A ah xilli ciyaareedkaan, mana ku fakaraayo inuu xagaagan ka tago kooxdiisa, sida uu saxaafadda u sheegay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment