Sheeko Jaceyl Ah Oo Farxad Kudhamatay Mudo 77 Sano Kadib (Aqris Wacan)

Bulsha:- Sheeko Wax u dhigma aad ku arkeyso Filimaanta Iyo Riwaayadaha jacayl oo kaliya ayaa dhex martay Mustafa iyo Dondo, qisadaas ayaa ku dhamaatay si farxadleh kadib 77-sanno.

Sanadkii 1938-dii tuulo yar oo ku taalla gobolka “Qahraman Murcish” konfurta Anaadool Turkiya , Mustafa waxa uu jacaylku ku dhacay markiisii ugu horeyay isagoo 15-sanno jir ah, gabarta uu jeclaa waa” Dondo Kirash”taas oo markaa ka weynayd 3-sanadood oo kaliya.

Mustafa ayaa aabihii u sheegay inuu doonayo guur, gabartaa Dondo ahna uu soo arkooday , laakiin waa laga diiday , arinkaas ayaa u keentay niyad jab xoogan .

Waxa uu ku biiray ciidanka.
Musatafe ayaa sheegay “aadbaan u murugooday , noloshii oo dhan ayaa ila qaraaraatay , kadib ciidanka ayaan iskaga biiray “.

Tababarkii ciidan ayaa iisoo dhamaaday 4-sanno kadib tuuladii ayaan dib ugu soo laabtay , waxaase aan la kulmay arin dhaawacaygii sii xoojisay dhibaatadana igu sii adkaysay , Dondo ayaa la guursaday waxayba dhashay ilma yar, waxaan xamili kari waayay inaan tuuladii sii joogo , waxa aan u guuray magaalada Goxon, si aan meeshaa uga bilaabo nolol cusub guri iyo reerna aan u egleelo.

Waxaa suuro gal ahayd inay sheekadu ay ku dhamaato meeshaa , inta badan sheekooyinka Jacaylku waxa ay ku dhamaadaan si aan wanaagsanayn oo waa lagu guul-dareystaa, laakiin Mustafe iyo Dondo nasiibku wax kale ayuu la doonay aanay iyaguba filayn.

Guryaha waayeelka Lagu Xanaaneeyo.
Mustafe xaaskii uu guursaday way ka geeriyootay caruurtiisiina wey weynaadeen , waxa uu isaguna usoo wareegay guriga waayeelada lagu xanaaneeyo .

Maalmihiisii ugu horeeyay ee dagaankiisa cusub, mid kamid ah waayeeladii goobtaa ku jiray ayaa u soo dhawaatay markaas ayay ku tir:”Mustafe maxaad goobta ka qabaneysaa ?”.

Mustafe ayaa waxa uu yiri :”waan fiiriyay waxaan ku iri , anigu kuma garanayo, isku kay sheeg? Waxay ugu jawaatay ;”waxaan ahay Dondo , sideed ii garan weyday?”.
Meeshaa waxaa ka furmay gal cusub sheekada Mustafe iyo Dondo, labadan waayeel ee aadka isku jeclaa waxay is dhaafsadeen sheekadii 77-sano ee ay kala maqnaayeen , waxay isku dayeen in midba midka kale culayska ka dajiyo , kadib waxay go’aan ku qaateen inay is guursadaan kadib wakhti dheer, laakiin markan 2-aad waxaa diiday go’aankaa caruurtii ay dhaleen oo kasoo hor jeestay !!!, jacaylku dhib badanaa !!!!!!!.

Waxay isku dayeen inay isla baxsadaan.
Dondo waxay aad uga xumaatay in Caruurteedu ay guurkaa kasoo hor jeestaan, aadbay u ooyday Mustafe ayay ku tidhi “meeshan inaga kaxee”.
Mustafe waxa uu qaadan waayay murugada ka muuqata Dondo, waxa uu isku dayay inuu la cararo habeen , guraga waayeeladana uu ka cararo, laakiin dadkii goobtaa maamulayay ayaa ogaaday oo dib usoo celiyay.
Maamuulkii goobta ay wada joogeen ayaa Mustafe u yeeray isla markaa u sheegay khaladka uu ku jiro iyo inay khaldanayd falkaa uu ku kacay , waxa uu ugu jawaabay “hadaan la ii guurin waan la baxsanayaa , waddo kale iima furna”.
Odaygaa jacaylkiisa u dagaalama ayaa waxa uu qorsheeyay in caqabad kasta ka dhex saaro isaga iyo Jacaylkiisa.
Arinkii ayaa la gaarsiiyay Duqa magaalada Goxon oo la yiraahdo”Hussein Coşkun Aydin”, qisadaa taabatay duqa magaalada, waxa uu go’aan saday inuu ku qanciyo caruurta Mustafe iyo Dondo inay guurkaa ogolaadaan jacaylkana aanay cadaw ku noqon.
Ugu dambayn muddo dheer kadib , labadii waayeel ee is jeclaa way is guursadeen , waxay dageen guri u gooni ah , kadib markii ay da’doodu kor u dhaaftay 90-sanno .
Mustafe ayaa dareenkiisa ka hadlay oo sheegay “aadbaan u farax sanahay , Allaa mahad leh , ugu dambayn waxaan helay jacayl kaygii , Allaan weydiisanayaa in cid kasta oo is jecalay isla-isku fududeeyo 80-jirba ha dhaafaan “.
Dondo si wanaagsan uma hadli karto , daalbadan oo ka muuqda darteed, laakiin dhoola cadeynta aan wajigeeda ka dhamaanayn ayaa kuu muujinaysa farxadda ay ku naaloonayso, taas oo ay sugaysay muddo dheer











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment