Sheekada Filimka Noor: Sonkashi Sinha Wey Ka Baxsatay Filimkaan Hal Mar Ka Badan Aan La Daawan Karin

Bulsha:-  Hadaba Sonakshi Sinha liiska sare ayay ku biirtay madaama filimka NOOR ay ku mataleyso gabbar joornaaliste ah waana markii ugu horeesay xidigtaan ay door waaqici ah matasho.

Director: Sunhil Sippy

Jilaayaasha filimka Noor: Sonakshi Sinha, Kanan Gill, Purab Kohli, Manish Chaudhary, Smita Tambe.

Noor (Sonakshi Sinha) waa gabbar joornaaliste ah kuna nool magaalada Mumbai taasi oo ku jah wareersan isku dheeli tirka nolosheeda gaarka ah iyo sidii ay shaqadeeda ku hormarin laheyd.

Noor nolosheeda waxaa ku hareereesan aabaheed (Maharaj Krishen Raina), saaxiibkeed Saad (Kanan Gill), saaxiibadeeda Zara (Shibani Dandekar), mudanaheeda Shekhar (Manish Chaudhari) and shaqaalaheeda gaarka Malti (Smita Tambe).

Noor waxay qabataa barnaamijka Mumbia laga dhageesto ‘Mumbai’s Believe It Or Not laakiin xiisahiisa laga dhargay dadka rabin waxayna inta badan shaqo weydiisataa TV-ga caanka ah CNN laakiin marwalbo dalabkeeda waa la diidaa.

Noor oo nolosha ku niyad jabsan waxay maalin maal maha ka mid ah la kulmeysaa gabadha shaqaalaha u ah Malti (Smita Tambe) oo mudo 4-maalmood reerka fasax kaga maqneyd.

Noor waxay arkeysaa Malti (Smita Tambe) iyo walaalkeed dhibaato xoog leh loo geestay xaalad halis ahna dhexda kaga jiraan.

Noor waxay ogaaneysaa in Malti (Smita Tambe) walaalkeen loo geestay dhibaato ku aadan in xubno muhiim ah jirkooda laga baxay sida kilyaha oo kale!

Hadaba Noor waxay u istaageysaa cadaalad u raadin dhibaatada loo geestay Malti (Smita Tambe) iyo walaalkeed iyo in xal guud loo helo dhibaatada bulshada taagta daran lagu haayo…

Fariinta Filimka Noor Waxa Laga Dhahay:

Noor oo laga soo min guuriyay buuga ‘Karachi: You’re Killing Me’ oo uu qoray Saba Imtiaz ayaa hab wacan loo dhigay weliba Noor waa filim u eg mid xaqiiqada ka hadlaayo madaama lagu yareeyay muuqaalada aan loo baahneyn.

Fariinta filimkaan loo dhigay ayaa ah mid bulshada wax ka badali karto dareen ahaan marka ay daawadaan waayo fariintiisa si xaqiiqada ku saleesan ayaa loo soo bandhigay.



Director Sunhil Sippy wuxuu ku guuleestay 20-ka daqiiqo ee hore inuu filimkaan daawadayaasha ku baro jilaa kasto doorka uu ku leeyahay sidoo kalena qaybta kowaad hab wacan ayaa loo sameeeyay, laakiin qaybta labaad waxaa la rabay inuu soo yara koobo madaama aad loo dheeereeyay.

Bandhiga Jilaayaasha Filimka Noor:

Sonkashi Sinha 7-sano oo ay Bollywood-ka ka tirsan filimkeeda ugu masuuliyada weyn waligeedna ku faani doonto Noor ayaa noqday.

Xidigtaan marwalbo filimka Lootera (2013) ayaa loo soo qaataa marka laga hadlaayo qaab jiliinkeeda laakiin hada kadib waxaa loogu yeeri doonaa gabadhii Noor sameesay.

Sidoo kalena guud ahaan jilaayaasha filimka Noor kasoo muuqdeeen qof walbo doorkiisa si wacan ayaa loo xardhay waxaana ku amaanaan Director Sunhil Sippy.

Gunaanad:
Noor heesihiisa oo liitaan iyo sidoo kalena ayadoo wanaagsaneyd in 20-daqiiqo daawashadiisa laga jaro ayaa caqabada ugu weyn filimkaan ku ah.

Sidaa darteed Noor wa filim hal mar la daawan karo weliba bandhiga heerka sare ee Sonakshi Sinha sameesay iyo fariintiisa oo qaybta hore wanaagsan ayaa sababi karto inuu xoogaa daawadayaal ah helo.

Dadka filimada ka faaloodaan sheekada filimka Noor waxay ku qiimeeyeen 3/5 taasi oo ka dhigan in filimkaan la daawan karo sheeko ahaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment