SAWIRRO: Gabadha ugu dibka shidan dalka Brazil Miss Bum Bum oo qaab yaab leh ugu dabaaldegtay goolkii 500aad ee Leo Messi

Bulsha:- Gabadha lagu magacaabo Suzy Cortez ee u dhalatay dalka Brazil – taasoo caan ku ah magaca MISS BUM BUM ay horay ugu guuleysatay abaalmarintaas la siiyo gabadha ugu dibka shidan dalka Brazil ayaa waxay si gaar ah ugu dabaaldegtay goolkii 500aad ee Lionel Messi uu u dhaliyey kooxdiisa Barcelona.

MISS BUM BUM ayaa waxay taageere shaqsi ah u tahay Messi, halka guud ahaanba ay si weyn u taageerto kooxda Barcelona, waxayna go’aansatay inay hab iyada u gaar ah ugu dabaaldegto goolkii Messi uu ka dhaliyey Real Madrid daqiiqadii ugu dambeysay kulankii El Clasico.

Suzy Cortez ayaa sawir kasoo qaaday qeybta dambe oo jirkeeda iyadoo aan wadan dhar sidaas u asturaya, waxayna barideeda kusoo qortay tiriska 500, waana tirada goolasha ee Messi, xilli ay xirneyd maaliyaddiisa lambarka 10aad ee Barcelona.

Sawirkaas oo ay soo gelisay barteeda Twitter ayaana helay taageereyaal badan oo dib ula wadaagay macaamiishooda, qalinka ay adeegsatay ayaana ahaa mid casaan ah, waana arrin kale oo kuu muujineysa jaceylka gabadha ugu dibka shidan Brazil ay u  qabto Messi, kaasoo aysan waxba la wadaagi karin marka la joogo baraha bulshada, maadaama laga ganaaxay.

Halyeeyga Barcelona ayaa laba gool oo kale dhaliyey Axadii markii ay Barcelona 7-1 ku garaacday kooxda Ossusuna.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment