Raga jecel nagaha dabada ugu uweyn oo is celin karin haday arkaan (Xog Hoose)

Bulsha:- Marka laba isbaratay uu xidhiidh dhex maro, ayaa mid ka mid ahi uu rabaa in uu kulankoodu noqdo mid ku dhisan jacayl, midna aanay cadayn waxa uu rabo.

Hadaba waxa aan meesha ka maqnayn in la is tuso xiisaha iyo jacaylka la isu qabo. Marka ay tahay in ay lamaanu is tusaan in ay is jecel yihiinn ayaa laga arkaa sida ay isula dhaqmayaan, waxa ay isa siinayaan iyo hadalada ay isku odhanayaan.

Hadaba raga iyo dumarka ayaa si kala duwan u soo bandhiga dareenka ku soo kordha ee ka dhashay xidhiidhka samaysmay. Erayada “waan ku jeclahay” ayaa adag in la isku yidhaa marka la isku cusub yahay. Sababtuna ay tahay kala duwanaanshaha fikirka lamaanuhu ka qabaan micnaha ay xambaarsan tahay weedhan culus. Ama laga yaabaa in mid ka mid ah lamaanuhu uu dareemo in aan sida uu u dhahay ” waan ku jeclahay” si u dhiganta loola dhaqmin doonin.

Dhawaan ayaa maqaal ku soo baxay jariidada la yiraahdo Aftonbladet ee ka soo baxda wadanka Sweden waxa ay soo daabacday in uu jiro xad u yaala marka uu qofku ku dhihi karo lamaanahiisa cusub erayada ah “waan ku jeclahay”. Xadkaas oo qiyaastii ah ilaa seddex bilood. Waxa kale oo jirta in dad badani ay u malaynayaan in ay dumraku yihiin kuwa ku dhaha raga marka ay xidhiidh cusub bilaabaan erayadan culus ee ah “waan ku jeclahay”. Laakiin arintu sidaas way ka duwan tahay.

Baadhitaan lagu sameeyaya wadanka maraykanka ayaa waxa laga ogaaday dadkii la waydiiyay jawaab ah in boqolkiiba 60% ay ragu ahaayeen kuwii adeegsaday erayada “waan ku jeclahay” markii ay xidhiidh cusub la yeesheen dumar. Waxa intaa dheer oo ay raguna qirteen sabata ay ugu yidhaahdeen erayadaas dumarka. Sababtuna ay ahayd ayaga oo doonayay in ay la galmoodaan dumraka ay dhawaan barteen.

–Sababta uu ragu sida degdega ah uga sheegayo dumarka ay bartaan waan ku jeclahay, ayaa ah ayaga oo rajaynaya in ay galmo ka helaan dumarka marka uu xidhiidhku cusub yahay, ayuu khabiir ka tirsan khuburadii baadhitaanka samaysay u sheegay Journal of Personality and Social Psychology.
Baadhitaankan oo lagu sameeyay Massachussets Institute of Technology, MIT, ayaa waxa lagu ogaaday in dumarku ay doorbidaan in ay siiyaan waqti dheer inta ay ka soo bandhigayaan dareenkooda dheer ee jacaylka ah.
Haweenka ayaa celcelis ahaan waxa ay ku qaadataa 4 bilood iyo badh marka ugu horeysa ee ay ku dhahayso waan ku jeclahay lamaanaha cusub. Halka waqtiga uu ragu ka dhahayana ay tahay 97 maalmood ka dib.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment