Quruxleeydii Jaya Prada Sidee Xidig Weyn Oga Noqotay Bollywoodka Xaqiiq Lahelay!

Bulsha:- Jaya Prada waxay kamid aheyd atarishoyinkii ugu qurxuda badnaa ee soo mara fanka India, sido kalena waxaa quruxdeeda u dheereed inee aheyd gabar ciyaarta sifiican u taqaano oo gabdho badan ayee Dance ga meel kusaartay.

xidigtaan waxay Dance ga baratay ayadoo aad u yar waligeedna waxay jecleyd inee heer ka gaarto sidaa awged ugu dambeyna way ka gaartay heerke ka rabtay.

Jaya waxay sameysay aflaam badan oo guulesteen kuwaaso ay marnaba ilaawi karin, balse guusheda kama soo bilaawan Bollywoodka ee aflaamta koonfur ayee kasoo shaqeysay ayadoo ka noqotay xidig weyn dhankaas.

xidigaha Konnfur ugu awooda badnaa oo ay lasoo shaqeysay xidigtaan waxaa kamid ahaayen Kamal Haasan, Chiranjeevi, Rajnikanth, Rajkumar iyo kuwa kaloo badan.

intaa kadib Jaya ayaa damacday inee sameyso aflaam Bollywood ah maadama guusheda koonfur xariir noqdeen xidig magac lehna noqotay ciyaartana looga dambeeyo.

waxaa filim atariisho koowaad kaga dhigtay Director K. Vishwanath filimkiisi Telugu ahaa ee Siri Siri Muwa asigoo Hindi ah oo lagu magacaabay Sargam.







filimsameyahan rer Telugu ah ayaa goaansaday in filimkiisi Telugu ahaa asigoo af hindi ah oo Bollywood ah uu u dhiibto Rishi Kapoor atariishona kaga dhigo Jaya Prada.

intaa kadib filimkii Sargam waa ladaawaday wuxuuna noqday mid ay dadweynahya ka helaan guul na gaaray sido kalena Jaya qoob ka cayaarkeedi fiicna ayee kusoo bandhigtay.

intaa kadib Jaya waxay noqotay gabar aad loo jeclaado quruxdeeda qoob ka cayaarkeeda iyo jiliin heer sare ah ayee isku darsatay.

balse hal dhib ayaa xidigtaan qabsaday oo aflaamteedi xigay guulo u gaari wayen dhibkaaso ahaa ma aysan aqoonin af hindiga kuhadalkiisa kaliya Telugu iyo Tamil ayee taqaanay oo Hindi Cinema wey kucusubtahay sidaa awged 3 sano ayee ka maqneed Bollywoodka ayadoo isaga laabatay Koonfurteedi ay magaca kulaheed luuqadeedana ay aqoon u laheed.

hadaba 3 sano kadib ayee soo laabatay ayadoo af hindiga soo baratay waliba sifiican markale ayuu filimsameye K.Vishwanath u dhiibtay filimkiisii  Kaamchor kaaso ay lakeentay Rakesh Roshan.

wixii filimkaas kadambeyay waxay noqotay xidig awood ku yeelata Bollywoodka waxayna samesay aflaam aad looga helay oo ay kamid yihiin Sharaabi, Mawaali, Ganga Jamuna Saraswati,Sanjug.

 

xidigaha ay lasoo shaqeysay Bollywoodka waxaa kamid ahaa Jeetendra, Amitabh Bachchan, Rishi Kapoor, Sunny Deol, Dharmendra, Mithun iyo kuwa kale, halyey Bollywood oodhan aye lasoo shaqeysay.

waxayna noqotay atariisho koonfur iyo Bollywoodkaba awood kuleh quruxdeeda iyo qaab jiliinkeedaba waana sababta ay kunoqtay Super Star laga dambeeyo.
















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment