Qiso Cajiib Ah:- Gabadhii Dhowrsaneyd Ee Qurbaha Tagtay Maxay La Kulantay..!!

Bulsha:- Markaan imid Qurbaha ayaa anoo ah Gabar jecel Diinta oo dhowrsan ayaa Jaamacadda Agteeda isku baranay Wiil, wuu i Salaamay, anigana waan ka qaaday. Gacanta ayuu ii soo taagay waan ka laabtay maxaa yeelay Diinteena ayaa ina Fareysa.

Gabar aan Saaxiibo nahay ayey Wiilka walaalo ahaayeen, kolkaas ayuu Walaashiis ku yiri:- Abaayo Gabadhaas i bar. Iyadaa igu tiri:- Walaalkeey Barashadaada ayuu rabaa, Anigana waana ka Aqbalay.

Maalmo ka dib wuxuu iga Dalbaday Guur, waxaanse ku iri:- Walaal hadda Diyaar uma ihi, waayo Ardayad baan ahay. marksuu igu yiri:- haye.

Ka dib wuxuu u tagay gabadhii wuxuuna ku yiri:- Wey iga Diiday Guur. markaasey ku tiri:- Anaa Xaafadeyda ku Balminaayo. ka dib wey isoo wacday waxeyna igu tiri kaalay Casharka iga Caawi, markaan u aaday ayey ii Shubtay Sharaab oo ay wax ku dartay, anigana waxaan ahaa Daacad markaa Miyir beelay ayey waxey igu yeertay Ninkii aan ka diiday Guurka. Saacado ka dib waan Miyirsaday waxaan arky anigoo aan kor u kici karin waan Ooyey, wuxuuna igu yiri:- Orod Xaafadiina aad.

Waan iska soo baxay aniga oo Daal iyo Murugo i heyso Hooyo ayaa i dareentay iney wax si iga yihiin, kolkaaseey igu tiri:- Maxaa kugu dhacay Hooyo. Waxaan ku iri:-waxba garan maayo waan Wareerayaa. waa yahay bey i tiri.

Maalin ka dib buu yiri ii kaalay waan diiday, ka dibna wuxuu i tusay Cajilad, taas oo noqotay tii Nolosheyda Bur-burisay. walaalkey Sun ayuu Cabay, Hooyadeyna Naxdintii wey ku Dhimatay. Walaalna hadda ma heysto iyo wax Garab ah, Aabaheyna anigoo yar ayuu Dhintay, Adeeradey markaan Waco waxey dhahaan Naa nadaa Wax yahey aan Damiirka laheyn.
Marka hadda Aduunka keli baan ku ahay. Waase Iga talo Gabdhoow kuwaas oo kale iska ilaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment