Priyanka Chopra oo Arin Lama Filaana Qiratay

Bulsha:- Xidigada Quruxda badan ee Priyanka Chopra ayaa sheegtay in markay galaysay Hollywood aaney kusii talagalin inay dadku aqoon usii lahaayeen maadama oo ay xidigad ku ahayd Bollywood. Priyanka oo sii faahfaahinaysa hadalkeeda ayaa tidhi ” Hadaan xidigo ku ahayn Bollywood macnaheedu ma ahan inaan meel walba xidig caan ah ku noqon karno”.

Waxa ay intaas ku dartay “Dawlad walba waxa ay leedahay dad caan ah markaas ceeb uma arko dad aan hore ii aqoon inaan naftayda baro”. Priyanka ayaa sheegtay in saxaafada Mareykanka aanay wax dhib ah kala kulmin ama cunsuriyad ah oo ay kusoo dhaweeyen gacmo furan iyo kalgacal.

Xidigadan ayaa wakhti xaadirkan fasax u joogta dalkeeda hooyo ee India iyadoo sheegtay in ay aad ugu xiistay filimadii Bollywood waxaanay tidhi “Bollywood wan u xiisay waayo anuu atrishad Hindiyad ah ayaan ahay fanka dalkaygana waan jecelahay”.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment