Nimca Dareen oo Qortay Sheeko Jacayl ah oo la magacbaxday Samir Rag Iyo Sir Haween”

Bulsha:- Nimca Dareen oo Qortay Sheeko Jacayl ah oo iyada quseeysa lana magacbaxday Samir Rag Iyo Sir Haween” oo ay ku cadeysay Guul Darada Jacelkeeda markii labaad iyo Qisooyin.

Ma aha Sheeko baralay ama mala  awaal ee waa sheekno laga soo guuriyay dadkii ay ku dhacday qaar ka mid ah, Waana sheeko aan si taxane ah idiin ku soo gudbin doono maalmaha soo socda hadii Alle idmo.



Hadaba akhriste ha moogaan sheekadan oo noqon doonto mid  ku xidhan akhrinteeda.

Samiir waxaa uu ahaa Wiil Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka kenya halkaana u joogay Khad dhoof ah oo uu ka sugayay mid ka mid ah wadamada debedda oo ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah Walaalihii oo halkaasi uga soo dacwoonayay.

Samiir Waxaa uu ahaa Wiil aad u dabeecad Wanaagsan oo Waxbarashada jecel ,Waxaana uu halkaa ka bilaabay waxbarasho, isaga oo inta badan wakhtigiisa ku qaadan jirey Xarumaha waxbarashada diiniga iyo weliba maadiga, waxaana uu ahaa Wiil aad uga dhex muuqda goobaha waxbarashada ee uu waxka baranayay aad’na ay u jecelyihiin Macalimiinta iyo Maamulka goobahaasi.

Samiir waxaa uu aad u jeclaa in uu taakuleeyo dadka taagta daran ama dhibaataysan, isaga oo ka mid ahaa tiro dhalinyaro ahaa oo ku caan baxay in ay lacago u uruyiyaan arday aan iyagu awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha Waxbarashada  ee School Fee-ga, Waxaana uu arintaa ku kasbaday dad aad u badan Culimo, Aqoon yahano, dhalinyaro, iyo Haween isu jira, iyada oo uu noqday Hormuud-ka dhalinta Soomaaliyeed ee Xaafaddii uu deganaa ee magaalada Nairobi.

Samiir Ma ahayn nin inta badan daneeya xidhiidh-ka gabdhaha waxaana ay dhalin yaradii ay wax isla baran jireen ku tilmaami jireen nin Shibane ah oo ka af xidhan hasaawaha iyo xidhiidh-ka noocyada badan leh ee badanaa dhex mara dhalinyara, iyada oo uu inta badan samiir dhalinyarada u baran jiray si Walaaltinimo ah, Waxaana uu Xidhiidh fiicani kala dhexeysay guud ahaan dhalinyadii Wiilasha iyo gabdhaha lahaa ee ay wax isla baranayeen, Sidoo kale waxaa uu ahaa Wiil ku fiican Cibaadada iyo Ku xidhnaanshaha Eebe.

Samiir Waxaa ku daahey Khadkii dhoofka ahaa ee uu sugayay Waxaana halkaa joogay ilaa uu ka gaadhay Waxbarashada galaaska ugu dambeeyay dugsiga sare, iyada oo Samiir uu joogista megaalada  Narobi ula qabsadsaday si weyn Waxaana ay u noqotay sidii mgalaadii uu ku dhashay kuna korey e uu ku lahaa asxaabta iyo qaraabada ay aadka isu jecelyihiin.

Sanad-kiisii afraad ee dugsiga sare ahaana kii ugu dambeeyay Iskuulka ayaa Waxaa samiir Iskuulkuu u dhigan waxaa ku soo biiray arday  badan oo kasoo baastay ISkuulada Dhexe ee ku yaala megaalada Nairobi, waxaana sida caadada ah ardayda oo marka ay ku cusub yihiin  Iskuulada laga dareemo qale iyo fiigsanaan ah garasha la’aanta dhinaca ardayda iyo macalimiinta ah waxaa halkaa si mug leh ugu soo dhoweeyay Samiir oo sida aan horeba u sheegnay ahaa nin aad u Caawimo iyo taakulo badan, Waxaa ardaydaa ka mid ahayd Salma oo ay usoo jiidatay Akhlaaqda iyo insaaniyadda Samiir iyo soo dhoweyntii diiranayd ee ay kala kulmeen Salma iyo weliba dhamaan ardaydii isku  marka yimaadeen Iskuulka, 



Waxaana Salma yaab geliyay Naxariis-ta iyo dadnimada ku duugan Samiir, iyada oo ay Salma ku dedaashay  in ay si buuxda u barato Wiilka Naxariista badan ee ka go’iwaayay Maskaxdeeda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment