MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Wadanka Turkiga u Dhoofay iyo Wasiir Yuusuf Garaad oo sharaxay Safarkooda

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u duulay Waddanka Turkiga, waxaana Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan golaha Wasiirrada iyo Xildhibaanno, waxaana halkaasi ay kula kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Turkiga.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda labada dowladooda ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga, Sidoo kalana ay Heshiisyo wada gaadhi doonaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah labo dowladood oo saaxiib ah waxaana Turkigu uu ka caawiyaa Soomaaliya dhinacyo badan, Iyadoo madaxwayne Erdogan oo Casuumad Rasmiya u fidiyey Madaxwayne Edogan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment