Mukhtaar iyo Salma waxay ku dhasheen kuna soo koreen xaafada. . .

Bulsha:- Mukhtaar iyo Salma waxay ku dhasheen kuna soo koreen xaafada Waaberi ee magaalada Garoowe. Mukhtaar iyo Salma yaraantoodii aad iyo aad isu jeclaa, dugsina khad wadaag ahaan jiray.

Saaxiibtinimadoodii ka soo bilaabatay Dugsiga Qur'aanka, waxay hadba heer soo marto, Mukhtaar iyo Salma waxay noqdeen ugu dambeyn laba qaan gaara fahmana in uu jiro jacayl kaas oo horseed u ah in guri la yagleelo. Muddo 22 sanno ah kadib, Mukhtaar wuxuu u bandhigay Salma in uu reerkooda ka doonto isna guursadaan balse Salma oo ogayd jeebka gacaliyaheeda iyo tabaryarida reerkiisa ayaa ku gacan-saydhay iyadoo ku tiri " Mukhtaar, ma doonayo in aan ku noolaado nolol faqiirnimo, waxaan waligay ku hammin jiray in uu i guursado nin lacag leh oo guri qurux badan ii dhiga kara wax walba oo aan u baahanahayna i siin kara"

Mukhtaar oo aad uu u niyad jabiyey hadalka gacalisadiida ayaa Salma soo xasuusiyey nolosha yaraantoodii iya jacaylkoodu heerarka uu soo maray balse Salma dhag jalaq uma aysansiin!
Mukhtaar wuxuu ku adkeystay in uu gacalisadii ku qanciyo in uu wax walba siinayo uuna dadaali doono inta tabartiisa ah, hase yeeshee, Salma waa ka biyo-diiday gacaliyaheeda.

Ugu dambeyntii Mukhtaar, go'aan wuxuu ku gaaray in uu iskaga Tahriibo dalka oo uu Liibiya aado. Waxayna ku qaaday muddo sannad ah in uu soo gaaro Malta oo uu uga sii gudbay Talyaaniga kadibna Sweden. Mukhtaar wuxuu aad u jeclaa in uu yimaado London oo uu jeclaa ku noolaanshaheeda maalin uun, wuxuuna caawimaad ka helay saaxiib Cabdinaasir oo ku gacansiiyey in uu keenno Waqooyiga Ireland halkaas oo uu iskaga dhiibay qaxoontinimo.

Wallow Mukhtaar lahaa sharci Swedish ah, fara yurub ahna laga hayey Eebbe waa u fududeeyey in uu sharci ka helo UK. Muddo 8 sanno ah kadib, Salma waxay reerkoodu u guuriyeen wiil Kanada ka yimid balse markuu qabay muddo 8 bilood ah wuxuu furay iyadoo leh uur 4 bilood ah. Waxayna sadkeedii markay dhammeysatay dhashay gabar ay u bixisay Ubax.

Mukhtaar oo u soo jeestay in uu lacag tabco si uu hanti u yeesho, ayaa wuxuu guursaday Farxiya oo u degan Nairobi una leh uur mataano ah. Salma oo nolosha Garoowe yara dhibsatay ayaa Nairobi u soo aaday in ay ka shaqeysato kuna noolaato. Markay muddo saddex bilood ah joogtay ayaa gabar saaxiibteed ah oo u shaqeyn jirtay Farxiya u sheegtay in ay doonayso in ay tahriibto oo ay iyada shaqadii ku wareyjiso.

Salma waxay shaqo ka bilowday gurigii geesigii jeclaa ee ay rajadiisii jacayl burburisay! Farxiya ayaana ka codsatay Salma in ay casho macaan caawa kariso maadaama xaajigeedu immanayo.

Salma ayaa isku hawhshay in ay kariso casho tan ugu macaan ee ay awooddo iyadoo adeegsanaysa xirfadeeda cunto karisnimo mida ugu sarayso. Walee, waraf iyo shimbiri war isuma hayaan, ma iyadaaba og in cashadan ay u karinayso wiilkii ay niyad jabisay balse niyad jabinteeda ku bulaalay!

Abbaaro 11:35 daqiiqo saq dhexe waxaa yimid Mukhtaar oo isbeddelay oo aysan garan karin quruxda iyo haybada ka muuqata Salma. Habeenkii Mukhtaar waa seexday, aroortii ayuu musqul in uu galo u soo kacay, mar uu jikada soo agmarayey ayuu arkay Salma oo quraac karinaysa!

Intuu yaabay oo istaagay oo indha maraanmartay, oo sheydaanka iska naaray, si tartiib ah oo hubsiimo ku jirto u yiri " Subax wanaagsan" Inta ay garbasaarka oo isku yara duuduubtay si ay qoorteeda oo qaawaneyd u qariso ayay ku ugu jawaabcelisay " Wanaagsan, waan fiicanahy"

Salma marna ma aysan garan karin in uu qofkanni yahay Mukhtaarkii ay nolosha macaan soo wada mareen, nolosha Farxiya ay maanta haysatana ay tahay tii Mukhtaar 8 sanno ka hor uu iyada u ballanqaaday!

Mukhtaar ayaa haddana su'aalay " Walaal, magacaa?" Markaasay ku tiri " Salma ayaa la i dhahaa" Si uu u hubsado bal in ay tahay Salma da uu maleynayo iyo in kale ayuu ku yiri " Ma halkan ayaad ku dhalatay Kenya ah?" Intay yara qososhay ayay ku tiri " Maya, annigu waxaan ku dhashay Garoowe"


------ La soco qaybta 2-aad-----------
Fadlan, nala wadaag dareenkaaga ku aadan sheekadan, maxaadse u malaynaysaa in kulankan Salma iyo Mukhtaar ku dambayn doono?
Mahadsanidiin
W/Q: Fu'aad Xaaji Axmed Qabyaallad-diid











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment