Markii Aan Guursaday Ayaan Arkay Iney Leedahay Uur Dhowr Billood Ah ..!!

Bulsha:-  Nin sheikh caalim ah oo weliba iimaam ah ayaa riyo wuxuu ku arkay nin uu yaqaano oo janada dhex joogo, waagii markuu baryay ayuu imaamkii wuxuu soo baadi goobay ninkii uu xalay ku riyoooday asagoo janada ku jiro.

Markuu ninkii u yimid ayuu ninkii ku yiri iisheeg maxaad camal allaah ugu dhawaataa oo sameysaa waayo xalay waxan ku riyooday adigoo dhex miranayo janada allah mideeda ugu qiimaha badan, ninkii wuu diiday inuu iimaamkii ugu jawaabo suaashiisa illaa uu dhowr jeer ku celceliyay.
Ugu danbeyntii iimaamkii wuxuu dhaariyay ninkii wuxuu yiri illaah baan kugu dhaariyee ii sheeg camalka aad sameysay, anigana aan illaah u dhawaadee si aan janadiisa u hanto.
Ninkii ayaa yiri iimaam baad tahay qisadeyda ma qarin kartid lakin ii balan

qaad inaadan dadka u sheegeyn magaceyga, iimaamkii ayaa u balanqaaday inuusan magacisa sheegi doonin, ninkii baa ku jawaabay waayahayee dhageyso qisadeyda.
Waxaan guursaday gabadh markii aan guri geystay waxaan arkay iney leedahay uur dhowr bilood ah oo aanan anigu laheyn anigana waan u ceeb qariyay ehelkeeda iyo ehelkeygaba waan u diiday in xaaskeyga booqasho loogu imaado si aan ceebteeda loo ogaanin.

Waxaa la gaaray xiligeedii foosha waxan ugu yeeray umuliso waa la umuliyay, markii aay umushay canugii ayaan soo qaaday waxey aheyd aroor hore oo aay soo dhawdahay salaada subax canugii ayaan dhigay irida masjidka anigana gudaha masjidka ayaan u gudbay waxaan tukaday salaad suno ah.

Waxaan usoo baxay banaankii waxaan arkay canugii yaraa oo dadkii xaafada ku xoonsan yihiin, isna weeydiinayaan cida soo dhigtay, waan soo qabtay dadkii ayan ku dhahay wiilkaan hooyadiis ceeb dartiis iskaga soo fogeysay anigaa qaadanayo oo kafaalo qaadayo gurigeygana ku korsanayo, waxaan ku marqaatiyeeyay dadkii goob jooga ahaaa.
Kadib xaaskeyga ayaan tuulo kale u waday marqaatiyaal cusub iyo sheikh cusub ayan ula tagay oo leygu mehriyay mar kale.

Hada waa xaaskeyga waxey ii dhashay ilmo badan naxariistii aan ayada u sameyay waxey igu abaal guday iney igu nooleyso jano aduun aakhirana illaah waxaan ka baryayaa in uu Janadiisa nagu kulmiyo aniga iyo xaaskeyga.




Akhristaha Heegan waxan idiin xasuusinayaa qof aad qariso ceebtiisa in aad allaah agtiisa ka helayso abaalkaaga, hadii aad qof ceebtiisa banaanka keentana dadka agtooda ayaad abaalkaaga ka heleysaa adigaba is barbar dhig ALLAH agtiisa iyo bini’aadam labadooda keebaad sharaf ka dooneysaaa…










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment