Marka Aan Subixii Ka Soo Tooso Hurdada Waxa Ugu Horeeya Ee Ugu Soo Dhaca waa Adiga

Bulsha:- Ereyadu ma sharixi karaan sida aan kuu dareemaayo,aniga xageyga jaceylkaaga waa waxa keliya oo runta ka ah,Maalina ma qaadan karo adigoo iga maqan,aniga qalbigeyga adiga ayaa degay waadna deganaan doontaa.

* Waxaad tahay qofka aan dunida ka rabo,Waan ogahay waxaa jiro waqtiyo aan indhahaaga dheehdo,waxaan ka dhex arkaa mustaqbalkeyga adiga iyo waxwalba oo aan dareemaa iney heer sare yihiin,sidaa darteed i jeclow beri sida aad hada ii jeceshahay anigana waxaa kuu balanqaadaayaa in dhamaan riyooyinkaaga aan run ka dhigo.

* Waxaa jiraan waqtiyo qofka noloshiisa marka qofku ogyahay si cad waxa uu doonayo. Daqiiqada aad nolosheyda soo gashay waan ogaa inaan meel sare isla gaareyno, Waan ku tebayaa kuna jeclaan doonaa weligey.

* Marka aan subixii ka soo tooso hurdada waxa ugu horeeya ee maskaxdeyda ku soo dhaca waa adiga, tani waa micnaha aad iigu fadhido,marwalbo waan sidi doonaa rabitaankaaga,waana marxalada aan hada ku suganahay tani,qof kalena booska qalbigeyga aad ku leedahay ma buuxin doono.

* Dhoolacadeyntaada waxey ii Ifisaa maalinteyda waxaana dareemaayaa neecow macaan,waxaan u maleynaa xusuusta quruxda badan ee aan wadaagnay ineysan wax loo dhigaa ineysan jirin, waxaad tahay sababta aan ku kasbaday in qalbigaagu ii garaacmo.

*Dadku waxey yiraahdaan dadku noloshaadu waxey u soo galaan sabab. Waan aaminsanahay arintaas,marka aad soo gashay nolosheyda waxaan dareemay inaad tahay qof qaas ii ah,kaasoo isiin kara dhadhanka noloshu leedahay,waad i dhameystirtay,waxaadna nolosheyda dareensiisay inaan ahay qof cusub maalin walbo.waan kaaga mahadcelinaayaa qofka aad adiga tahay.
*Ma jirin qof ama wax aduunkan farxad sidaan u weyn isiin kara nolosheyda sida aad adiga ii farxgeliso,gaaloos.com, waxaad tahay qofka keliya ee si qoto dheer u yaqaana nafteyda,islamarkaana ii jecel shuruud la’aan,Weligey waan ku jeclaan doonaa mana ku sii deyn doono.

* Waxaad aheyd qofka i garab taagnaa markii aan xaaladda adag ku jiray, waxaad i bartay inaan aamino nafsadeyda waxaadna i tustay sida leysaga dulqaado culeysyada nolosha soo wajaho weji furfuran, Waxaad iga dhigtay qof wax badan ka fahmi kara wejiyada noloshu leedahay hab sahlan oo wanaagsan, waxa keliya ee aan ogahay waa inaan si waali ah kuu jeclahay, waan kula jiraa kulana jiri doonaa weligey.

*Waxaan ku fekeri jiray in nolosheyda ay hagaagsan tahay ilaa adiga aan kula kulmo oo aad u tustay in nolosheyda ay wax badan ka maqan yihiin,isla markaana inaad dhinafceyga taagnaato ay macno badan u leedahay nafteyda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment