Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Gaaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdigii uu hogaaminaayo ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha ee generaal Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynah iyo wefdigiisa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey madaxdaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Madaxweyne Faraamjo ayaa la sheegayaa inuu magaalada Baydhabo u gaaray sidii uu u soo indho-indheyn lahaa xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxana uu sidoo kale booqan doonaa inta uu joogo magaalada Baydhabo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ee ka soo hayaamay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka.



Sidookale madaxweynaha ayaa la kulmi doono madaxda maamulka oo uu kala hadli doono dhibaatooyinka abaaraha deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo maanta gudaha magaalada lagu arkayey ciidamada heegan buuxa la galiyey, ku waasi oo loogu baaqay inay xoojiyaan amniga inta uu madaxweynaha federaalka ku suganyahay magaalada Baydhabo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment