Inaad Xariir Sameyso Kama Cabsatide, Maxaad Uga Cabsataa Guurka Xalaasha Ah?

Bulsha:- Nolosha guurka ma doonayo, waa nolol buuqa iyo is fahan darada ay ku badantahay, laga yaabee berina inay burburto! marka ma dhib baan lugaheyga ku doontaa?”

Waa arinta ugu badan ee dhalinnyaradeena (wiil / gabar) markaad weydiiso maxaa u guursan weyday, ee uu kuugu jawaabayo sidoo kalena cabsi ku heesa! waana mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee ka hor taagan guurka.

Waxeysa ila tahay kaliya labo qodob hadii aan si fiican u fahanno waa hubaal inay cabsidaa ka baxeeso daaqada!

1-OGOW MICNAHA SAXDA EE NOLOSHA GUURKA: Marka horaba ha saarin miizaan qaldan nolosha guurka aad ka rajeyneyso, ogow nolosha guurka ineysan aheyn nolol ay wadaagayaaan laba dad oo ma qaldamayaal ah, oo aan laheen caqabad iyo dhib toona.

Qalad baa imanaya, dagaal baa imanaya, is fahan waa baa imanaya! Balse waxaad dareentaa inay guushu tahay inaad isku doorateen iska kaashiga dhibka dunidan ka jira iyo si aad u wada xalisaan dulduleelada iyo caqabadaha idinka hor yimaada waliba si wada jir ah! Taasaana ah asaaska saxda ah ama miisanka runta ah ee aad saareeso noloshaada guurka.

1- AAMIN QADARTA RABBI & DADAALKAAGA: ogow guurkan aad gashay waqtigiisa iyo qofkaad la gasheyba adigu maadan ku keensan awoodaada, calaf xag Rabbi ka yimid bay aheed, kala tagiinana Hadii xagga Rabbi ka qorantahayna waad kala tageysaan waqtigay ahaataba, balse adigu waxaa leedahay dadaalka, sidaa darteed dadaal, wanaag iyo wax walboo kheyr ahna samey si reerkaaga u dhisnaado una noqda mid raaga oo mira dhala.
FG: Waxaa ka hadalka arintan igu dhaliyey, hadalkaa aan kor ku sheegey, oo aan aad u dhibsadey, iilana muuqday cabsi iyo humaag aan waxba ka jirin, balse sheydaan uu qalbiyada dhalinyarada ah ku furay! uuna kala dagaalamayo xalaal miiradnimada!!










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment